Thursday, March 19, 2015

Dil Loo Geystay Dad Shacab ahaa Oo Ku Sugnaa Makhaayad Ku Taalla Dalka Sweden

shucerGottenburg:Mar,19,2015(Himilo)-Makhaayad ku taalla Magaalada Gothenburg ee Dalka Sweden, ayaa Kooxo Hubaysani weerar ku qaadeen, waxana Halkaas ka dhashay khasaare nafeed.

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhintay Weerarka Dableyda hubeysan ku qaadeen Makhaayada kutaala magaalada Gothenburg ee dalka Sweden, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay dhowr qof oo kale oo xaaladoodda hadaa lagu baxnaaninayo Goobaha caafimaadka.

Kooxihii ka dambeeyay weerarka lagu qaaday Makhaayada kutaala magaalada Gothenburg ayaa la sheegay in ay baxsadeen, waxaana Ciidamada booliiska magaaladaasi ay baadi goob ugu jiraan soo qabashada ragii weerarka ka dambeeyay.

Saraakiil u hadlay laamaha amaanka Dalka Sweden ayaa sheegay in weerarkan aanu u muuqan mid argagaxiso , waxa ayna intaa raaciyeen in weerarkaasi ay tuhmayaan in uu yahay mid la xidhiidha falal budh-cadnimo ah.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment