Siilaanyo iyo Saleebaan ma sitaan astaan reernimo ee waa mas'uuliyiin qaran oo xilalka ay qaranka u hayaan iyagu u qoolmaan, u xidhmaan oo ay iyaga dumaddooda tahay oo aniga Maxamed Baashe ahaan, walaalkay, adeerkay iyo ina-adeerkay midkoodna aanu qaranka intiisa kale ka xigin, ugana sokayn.
Wixii ay xumeeyaan ama ay wanaajiyaan reer gaar ah kama ay xumayn ama uma ay wanaajin ee qaranka oo dhan bay ka xumeeyeen ama u wanaajiyeen.
Sidaas awgeed, waa garasho liidata oo aan ilbaxnimo meelna kaga abtirsan karin haddii badhkeen qolannimo kula saftaan, badhkeen kalena qolonnimo kale kaga saftaan oo loo qaybsamo laba kooxood oo cidla' ku hirdamaysa sidii laba wan oo mayeedhaan ah.
Yooyootan iyo sheeko-baraleey aan waxba soo kordhinayn, wax ay sii xumeeyaan mooyaane, waxa iga la qumman in aqoon, dedaal iyo wakhtiba la geliyo oo loo huro sidii xal loogu heli lahaa dhooqada iyo lidiqa (ligiska) inaga dhex galay xareeddii qarannimo.
Xilkasnimo, garasho, daacadnimo, wax qiimayn iyo daraaso, miisaamid iyo isu dheellitirka laba arrin oo kasta iyo xigmad, ayay maanta oo kale danta madhaafaan magan u tahay in la cuskado oo caaddifadda iyo wixii fudayd ah oo dhan la iska ilaaliyo.
Caaddifadi waa soodhe iyo bil saddex oo gurigaagana way kaa saaraan, guri kalena kugu ma simaan! Ma aha dharaartii is xiniin iyo dhafoor taabashada ee waa maalintii maskax-tuujinta, dulqaadka iyo degganaanta caqliga iyo maan-galnimada.
Waynu ka wada dheregsannahay in wax badani inaga khaldameen, saacaddaasna innaga khaldan yihiin qofba inuu ku yeeshaba.
Nacaybka qof ama reernimo, waxa ka dhasha nacayb qof kale iyo nacayb reer kale. Inta aynu naca iyo naxliga buunbuuninayno ee baranayno ama cid kale ku tallaalayno ee barayno, aynu jacaylka iyo laab-xaadhnida quwayno, baranno oo ku tallaallo inta kale oo barno, waa wax dhici kara'e.
Allow yaa wax suureeya
Salka dunida yaa dhawra
Iyo seeska jiriddeeda?
Erey sami wuxuu gooyo
Allow yaan ku jarin soodhka
Garashada ka dhigan seefo?
Allow yaa su'aashaasi
Sida ay u tahay yeela?!
"Karis xun iyana wax ku la'!"
Ha doodin haddaanad u qoolmayn oo aanad daacad Alle kugu og yahay ka ahayn ereyga aad odhanayso, fadlan! Waayo anaa u dabran ereygayga oo Allena igu og yahay in aanan wanaag mooyee muraad kale ka lahayn!
Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com
facebook.com/baadisooc.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment