“Haddaad maanta iga diiddaan arrintaa, Anigu Somaliland waan ka tegayaa, ma doonayo inaan taariikh xun ka qaybgalo oo la yidhaahdo yaa muddakar ahaa markay Somaliland ay qaska gashay…” Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe
Hargeysa, 10 May, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa khudbad dheer, isla markaana dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey Mudanayaasha Golaha Guurtida Somalilnad, taasoo uu ku tusaaleeyey xaaladda dalku marayo, qorshayaasha cadawga Somaliland, sida loogu baahan yahay in danta guud iyo wada-jirka ummadda loogu midoobo, loogana badbaado qas iyo qalalaase uu dalku galo iyo nooca go’aanka Guurti ahaan looga baahan yahay inay ka qaataan muddo-kordhinta Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ay u samaynayaan sida la filayo toddobadkan.
Faysal Cali Waraabe waxa uu si qiiro iyo murugo leh uga warramay sida uu u yahay qofka ugu dheefta yar dalka iyo sida markasta oo uu tanaasul Qaran iyo wanaag sameeyo loogu ceebeeyo ee loogu dacaayadeeyo inuu lacag qaatay iyo sida uu markasta ugu darban yahay danta Qaranka. Waxa uu sidaa ku sheegay Guddoomiyaha UCID mar ay shalay Guddiga Guurtida ee ka soo talo-bxinta wakhtiga muddo-kordhinta loo samaynayo Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo ay shalay isaga iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi la kulmeen, balse uu Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro oo ay marka hore isku qorshe ahaayeen ka baaqday markii warar ka soo baxeen dhinaca Guurtida.

“Magaca Somaliland dadka halkaa gaadhsiiyey ee aynu dadka dheerayn idinkay ahaayeen, laakiin marka ay halkan oo kale maraysaan waxay u eegtahay inaad Heeryadiinnii cunaysaan. Marka Madaxweyne iyo dawlad ka soo bixi weyday xilkeedii sannad kasta warqad idiin soo qoraysa idin leh doorashadii waa la qaban kari waayeye maxaa soo baxaya? Waa guul-darro.” Sidaa ayuu yidhi Faysal.
Mar uu Guddoomiyaha UCID ka hadlayey waxa ay Somaliland caalamka caawimada kaga hesho, waxa uu yidhi; “Innaga waxa adduunku innagu caawiyaa la innama aqoonsana, la innama jecla, Allaah baa inna jecel (SWT), laakiin waxa la innagu tixgeliyaa waa nidaamka doorashooyinka ee nabadgelyada innoogu qabsooma, waad ogtihiin oo Puntland waxay qaban kari wayday doorashado dawlado hoose, innaguna waxaynu ku soconnaa tii shanaad. Markaa, innagii Soomaali hormuudka u ahayd ee tusaalaha geeska Afrika ahayn inaan raadkeennii dib u raacnaa waa innagu doqonniimo.”
Faysal Cali Waraabe waxa uu si qiiro leh ugu muujiyey Guurtida inaanay jirin wax gaar ah oo dheef ah oo qof ahaan iyo qoys ahaan uu uga faa’iiday muddada uu danaha Somaliland ka shaqaynayey, weliba ay xataa Ubadkiisi ku dayacmeen oo Daacish galay Wiilkiisu, waxaanu yidhi; “Waa markii shanaad ee aan idin hor-imi illaa 2002-dii. Waxaan ahay intiinna halkaa fadhida ninka qudha ee dalkaa ugu dheefta yar, Mushahar kama qaato, Guri kuma lihi, Dhul kuma lihi, Carruurtayda waad ogtihiin oo qaar baa Jabhadaha Suuriya galay. Waxaan maalin kasta halkaas u joogaa danta Qaranka oo ceebi iga raacdaa maalin walba markaan sameeyo wanaag iyo tanaasul Qaran-ba oo la I yidhaahdaa; ‘lacag buu qaatay’, kolba qolada waalata ayaa igu waalata.”
Guddoomiye Faysal oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Xaaji Cabdi illaa maalintii uu Caaqilka noqday sidaas baa loo haystay, waa dhaqankeen oo qofka Somaliland ee wanaag ka taliya ee Madaxa la kaca sidaas baa loo haystaa, Siyaasiyiinta oo dhami Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal bay nebcaan jireen. Laakiin, waxa uu ahaa Siyaasiga qudha ee Soomaaliyi soo saartay ee Jamaal Cabdi Naasir (Madaxweynihii hore ee Masar) iyo Ragga la midka ah la qarni iyo siyaasad ahaa. Markaa, dadka garaadka gaabani waxaannu arkayno arki maayaanoo inay xagxagtaan waan iska oggol nahay, laakiin Odayaashiinnan waxaan ka doonaynaa inaad noqotaan Masuuliyiin Qaran.”
“Saddex Xisbi baan ahaynoo waxaan ku heshiinnay inaan meel dhexe isugu nimaadno, waxaannu ku heshiinnay inaannu idinkana idinku soo celinno masuuliyadda aad sheegteen ee tidhaahdeen waxa naga qaaday Guddiga doorashooyinka. Saddexdayadii Xisbi iyo weliba Wasiir dawladda ka mid ahaana saddex maalmood waan wada fadhiisannay, annagaa Guddoomiyaha wuu mahad-san yahaye ka qabsannay ma warqaddaynu u dhiibnaa, mise waynu culaysinnaa warqaddaynu raacnaa?.” ayuu yidhi Faysal.
“Somaliland waxay isku dishaa waa la yidhi iyo waa la yidhi; waxaa la soo weriyey, Guurtidi dan idinka geli maayaane tooda ayay wadanayaan, Cabdiraxmaan wuxu yidhi; xaqna wuu u leeyahay; ‘kol hadday tooda wadanayaan maxaynu heshiiska ka saxeexaynaa. Haddaanay Guurtidi inna tixgelinayn oo aanay caalamka tixgelinayn maxaynu ka tixgelin.’ Anna waxaan idhi; ‘waar aan xujayno oo aan saxeexno.’” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Waxaanu isagoo Khudbaddiisa sii wata intaas ku daray; “Hadday is-qabsadaan Masuuliyiintu Shacbigaa ku baabaya, annagoo taa eegayna ayaannu saddexdayadii wax isku haystay wax ku soo heshiinnay, Cabdiraxmaan wakaas soo geli waayey, markaa ama Cabdiraxmaan u hiiliya ama annaga noo hiiliya, taayaduna waa Qaran, Anigu Musharraxna ma ihi oo waad ogtihiin. Laakiin, waxaan ogahay in Cadawgeennu sidii Neefka dhimanaya haaddu u dul-fadhiisato ayey sida haaddaas innoo dul-fadhiyaan, laakiin markaynu is-raacno Haaddu way iska tegi.”
Guddoomiyaha UCID waxa uu Guurtida u sheegay haddii ay taladaas qaadan waayaan inuu iskaga tegayo dalka Somaliland, waxaanu yidh; “Markaa, waxaan idin leeyahay ee Cadawga ha innoo dilina, iyo Saaxiibkay Cabdiraxmaan ee maanta heshiiska nagaga baxay, Garna wuu u leeyahay, mar haddii waxba innooma kala qarsoonee ilmaadeerradii u sheegeen……. Arrintu waxay maanta taagan tahay haddaad maanta iga diiddaan arrintaa anigu go’aan baan leeyahay laba qof ma ihi ee qof keliya ayaan ahay, Anigu Somaliland waan ka tegayaa, ma doonayo inaan taariikh xun ka qaybgalo oo la yidhaahdo yaa muddakar ahaa markay Somaliland ay qaska gashay.”
“Qas baynu galaynaa waan ogahay, waxa suuqa yaallaan ogahay, tabaabushahaan ogahay, cadawga gacanta inna soo gelinayaan ogahay, haddaad maanta taladaa labada Xisbi iyo Saddexda Xisbi Cabdiraxmaan wuu shakiyey uune wuu nagu jiraaye haddaad shakiga ka saartaan oo Adeerrayaal, Awoowayaal, Aabbayaal iyo ilmaadeerrayaal qas baynu galaynaa, ee noo hiiliya oo Qaranka u hiiliya, oo ALLAAH baan idinku dhaarshee waan idin baryayaaye Qaranka u hiiliya oo marada na saara maanta oo Cadawga ha innoo jabinnina oo waxaad waddeen liqa oo wixii soo baxay liqa oo beeneeya oo isku raaca oo innagoo gacmaha is haysanna aynu doorasho wanaagsan galno sannad iyo bilaha aannu samaynay way innagu filan tahay, intaasna wixii qabyo ahna aan dhammaysanno.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment