Golaha guurtida Somaliland waa laf dhabarta qaranka Somaliland waana aqalka odayada ee nabada Somaliland tiir dhexaadka u ah, sharciyan waa aqalka koowaad ee dalka ugu sareeya, guurtida Somaliland oo tan iyo halgankii dib-u-xoraynta dalka qayb mihiim ah ka soo qaadatay isla markaana markii dalku xoroobay dib iyadu u bilawday halgan kale oo ay kaga shaqaynayso nabadaynta beelaha ku bahoobay Somaliland ilaa iyo imikana u tafa xaydan sidii meel kasta oo Somaliland ka mid ah oo xaalad murugsan jirto ay uga soo shaqayn lahayd kuna soo dabaali lahayd nabad iyo xasilooni.
Dabcan Golaha Guurtida Somaliland baalasha ay ku duulaan xilliyada ay nabada ka shaqaynayaan waa habkii dhaqanka kaas oo ay xaajo kasta ku maareeyan kuna soo guuulaystaan iyadoo ilaahay la kaashanaya, waana sababta ay Somaliland astaanta nabada ugu yihiin Golaha Guurtidu, Golaha Guurtidu waa dhidibada adag ee jiritaanka qaranimada Somaliland ku taagantahay ta ugu mihiimsan haddaba khilaafyada ay xaliso golaha guurtidu maaha oo kaliya colaadaha dhex mara beelaha reer Somaliland ee waxa jira iyana inay kaalin wayn ka qaataan xalinta khilaafyada siyaasiga ah golaha guurtidu waxay kaalin wayn ka qaataan oo ay dhexdhexaadiyaan isuna soo dhaweeyaan hadba dhinacyada siyaasada ee khilaafku soo kala dhex galo.
ugu horrayn haddii ay dhacdo in khilaaf siyaasiyi yimaado oo xisbiyada siyaasada ku loolamayaa dhex maro khilaaf ama siyaasiyiin isku xisbi ah ay damacooda siyaasiga ah isku qabtaan.
Golaha Guurtidu wuu dhexgalaa wuuna u garnaqaa tiiyoo Guddoomiyaha Golahu Saleebaan Maxamud Aadan uu gudi u saaro isla markaana sida xalku ku jiro ee ay badbaado u arkaan ayay go'aan ku soo saaraan iyadoo labada dhinac ee kolba is hayaana ay ku qanciyaan go'aamada ay soo saaraan.
hadaba waxa aynu wada ognahay in golaha guurtidu yahay mid ka mida labada aqal ee sharci dajinta layskuna yidhaa baarlamanka
isla markaana ay jiraan awoodo sharci oo golaha guurtida uu dastuurka qaranku siinayo kuwaas oo ay ka mid tahay mudo kordhinta ku timaada sifaha sharciga waafaqsan ee loo samaynayo hadba xukumada talada haysa ee muda xileedkeedu gabagabad yahay sida tan haatan taagan oo kale.
haddaba waxa ayaamahan danbe warbaahinta qaarkeed laga maqlayay rag siyaasiyiin ah ama oday dhaqameed ah inay ka sheegayeen warbaahinta in golaha guurtidu dalka khalkhal ka abuurayso oo haddii ay muddo kordhin sameeyaan ay noqon doonto mid lagu kala guuro Somaliland taas oo guurtidu masuuliyadeeda yeelan doonto waxii ka dhaca, taasi waa garaad gaaban oo aan sida saxda ah u fikirin kuwa leh guurtida ayaa dalka khilaaf ka abuuraysa waayo guurtidu waa astaanta nabada ee ka shaqaysa xalinta xaalad wal oo murugsan ee maaha gole fidno ka shaaqeeya
Haddaba Golaha Guurtida iyo dhamaan shacbiga reer Somalilandba waxa ay heegan ugu jiraan marwalba iyo meel walba sidii ay u ilaashaan lahaayeen nabada iyo badbaadinta jiritaanka qaranimada Somaliland
kuwa ku hadaaqaya guurtidu hadday muddo kordhin samayso waa lakala yaacayaana waxaanu leenaahay deero-deero hirdiyi mayso guurtiduna hadba waxii waajibaadkeeda shaqo ah cidna uga gabanmeyso.
Somaliland waxay ku soo nabad iyo caano maashay is maqal iyo kala danbayn, xaajo wal oo murugtana waxa lagu maarayn jiray wada hadal iyo is qancin, laakiin waxaad mooda imika inay siyaasiyiin uu u muuqdo kursiga dalka looga arimiyaa ay ka dhega la yihiin hanaankii iyo tubtii toosnayd ee caaddada u ahayd in khilaafyada siyaasiga ah lagu xaliyo.
dabcan markaan sidaa leeyahay waxa ii muuqda xubno siyaasiyiin ku tilmaaman oo aad is odhanayso habeen meel siyaasadi taalo may soo arag waayo siyaasadu maaha warbaahinta oo hanjabaad lala soo fadhiisto ee waa in ninka siyaasiga ah ee kursiga ama hogaaminta dalka ay lexejeclo ka hayso uu marka hore laxejecladii ummada uu rabo inuu maamulo laxajecleeya oo uu ka dhaadhiciyaa waxa uu ka iibinayo ee ah barnaamujkiisa siyaasiga ah ee uu rabo inuu dalka iyo dadka ku maamulo, kaas ayaa u banaan inuu warbaahinta ummada uga soo bandhigo, laakiin maalinta 26ka juun hanjabaadeedu maaha mid dadka ka iib galaysa oo shacbigani aad ayay dhugmo fog ugu leeyihiin xaalada dalka uu marayo iyo cida dibindaabyaynaysa, macaaradka waxa u banaan in ay soo bandhigaan dhaliilaha xukuumada waxa u banaan in ay daba galaan waxii ay xukuumadu qaloocinayso oo ay ummada si caafimaad qabta ugu sheegaan laakiin qof wal oo bini’aadama waxa uu leeyahay wax uu wax ku diido waxna ku ogolaado haddaba anigoo jecel inaan dulucda hadalkayga usoo daadago waxaan si miyir qabta uga dardaarayaa siyaasiiyiinta xisbiga waddani in aanay majaraha ka leexinin hogaamiyahooga jecel inuu hanto kursiga dalka looga arimiyo.
inta badan waxaad arkaysaa rag waaweyn oo ku odhanaya haday 26ka juun nala dhaafto dawlad jiraysaa ma jirto taa mcnaheedu miyaanu ahayn inagu kala dhaqaajiya meesha ileen ummada waxa kala haga ama lagu kala danbeeyaa waa sharciga ay dawladnimadu ku dhisan tahay haddii taa laga gudbana waxa ka dhalan karaa waa wax laysla wada yaqaan.
Somaliland oo haatan jirta rubuc qarni ku dhawaad waxa ay soo martay marxalado kala duwan oo qaarkood aad u qadhaadhaayeen balse waxay kaga soo gudubtay wada hadal iyo isu tanaasul mar walbana waxa mudnaanta koowaad ahayd nabada iyo hanaanka dawliga ah oo si loo wada ilaashanayay, balse maanta raga taasi moogani waxa ay filaayaan ee ay is leeyihiin waad ku gaadhaysaan ujeedooyinkooda waxaan leeyahay waad ka marin habowsan tihiin oo dalka iyo dadkaba maanta waxa hogaankoodu yahay madaxwaynaha talada dalka haya oo sifo sharciya maalin cad ummadani ugu dooratay hogaaminta dalka taasna waxa badali karaya sida sharciga dalku dhigayo madaxwayne shacbigu soo doortay oo doorasho xora ku yimaada.
Gunaanadkayguna waa ma didee hargooloow waxba hay tumin durbaanada iyo daasadaha madhan.
wa bilaahi tawfiiq
W/Q Cabdirisaaq Sheikh Maxamed
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment