Sunday, May 3, 2015

Guddoomiyaha Mihnadlayaasha Caafimaadka oo Sharci-darro ku tilmaamay Xarun Hargeysa ah oo Sheegtay inay oggolaansho ka haysto Wasaaradda Awqaafta

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo iska fogeysay inay oggolaansho bixiyeen & Talooyin looga soo jeediyey Bulshada Xarumaha Ccaafimaadka ee ay tagaan
Hargeysa, 03 May, 2015-(Himilo)- Guddoomiyaha Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Somaliland Dr. Axmed Xaashi Odey, ayaa sharci-darro ku tilmaamay oggolaansho Xarun ku shaqeysa Dawo-dhaqameedka oo Hargeysa ku taallaa sheegtay inay siisay Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, isla markaana talooyin u soo jeediyey Bulshada ku dhaqan dalka.
warka xaruntaXaruntan oo magaceeda la yidhaahdo Afya Herbal Clinic & Laboratory oo Anthony Nagatia nin lagu magacaabo oo ah Dhakhtar u dhashay dalka Kenya ku leeyahay Caasimadda Hargeysa, ayaa sheegay inuu muddo dheer Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ka dalbanayey inay siiso oggolaansho uu ku shaqeysto, balse uu ka waayey, waxaanu yidhi; “Muddo dheer ayaan Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ka dalbanayey inay oggolaansho I siiso, waxay ii sheegeen inaanay oggolaansho siinnin Xarumaha Daawo-dhaqameedka, balse ay dhiirrigeliyaan.”
Mr. Nagatia ayaa intaas sii raaciyey inuu ka dib diidmada Wasaaradda Caafimaadka u tegay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo uu sheegay inay siisay oggolaanshaha uu ku shaqeysto, waxaanu yidhi; “ka dib waxaan u tegay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo oggolaansho inaan ku shaqeysto na siisay.”
Barnaamij Telefishanka KTN ee Kenya ka diyaariyey Shaqooyin kala duwan oo Muwaaddiniin Kenyan ahi ka qabtaan Somaliland ayuu ku sheegay Ninkan dawo-dhaqameedka kaga shaqeysta Hargeysa, in tartanka Suuqa ka jira Xirfaddiisa Kenya ku qasabtay inuu u soo socdaalo Somaliland.
Guddoomiyaha Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka ee Qaranka Somaliland Dr. Axmed Xaashi Odey oo Wargeyska Himilo xalay Khadka Taleefanka wax kaga weydiiyey xaruntan sheegatay inay Wasaaradda Arrimaha Diinta ka haysato oggolaanshaha ay dalka kaga shaqayso, ayaa sharci-darro ku tilmaamay shaqada xarunta Afya Herbal Clinic ay dalka ka qabato, isla markaana sheegay inaan Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu bixin haba-yaraatee wax oggolaansho Xarun Caafimaad ah, balse Xafiiskoodu leeyahay shaqadaas.
Dr. Oday waxa uu sheegay in bixinta oggolaanshaha Xarumaha Caafimaadka iyo Dhakhaatiirta ay tahay Shaqo uu leeyahay Xafiiska Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland ee uu Guddoomiyaha ka yahay. “Waa sharci-darro Shaqada Xaruntaasi, Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ma bixiso oggolaanshaha Xarun Caafimaad, waa Shaqo Xafiiskayagu leeyahay, waxaanannu ka qaadi doonnaa tallaabo sharci ah.” Sidaa ayuu yidhi Dr. Oday.
Guddoomiyaha Mihnadlayaasha Caafimaadka, ayaa sidoo kale u soo jeediyey talooyin guud ahaan bulshada Somaliland inay hubsadaan meelaha ay Caafimaad u tegayaan inay yihiin kuwo haysta shahaadooyinka Xaruntoodu bixiso, waxaanu yidhi; “Bulshada Somaliland waxaan u soo jeedinayaa inay iska hubsadaan meelaha ay adeeg Caafimaad u tegayaan inay yihiin qaar haysta shahaadada Xafiiska Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadku bixiyo, ka dib markuu hubiyo tayada iyo aqoonta Dhakhaatiirta ka shaqeysa.”
Sidoo kale, Masuuliyiinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ayaa iska fogeeyey in ay oggolaansho siiyeen Xaruntan Afya Herbal, isla markaana ay wadaan shuruuc ay iska kaashanayaan Wasaaradda Caafimaadka iyo Ururka Mihnadlayaasha Caafimaadka oo la xidhiidha Xarumaha wax ku Daweeya Diinta.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey oggolaanshaha la sheegay inay siiyeen Xarunta Dawo-dhaqameedka wax ku daweysa ee Afya Herbal, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin, isla markaana intii uu Wasaaradda joogay aanu bixin, waxaanu yidhi; “Ma jirto oggolaansho aannu siinnay Xaruntan aad sheegayso muddadii aan Wasaaradda joogay, xilliganna waxaan soo wadnaa shuruuc aan iska kaashanayno Wasaaradda Caafimaadka iyo Ururka Mihnadlayaasha Caafimaadka oo la xidhiidha Xarumaha wax ku daweeya Diinta.”
Xukuumadda Somaliland ayaa wixii ka dambeeyey markii la aasaasay Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka waxa laga bilaabay in diiwaangelin lagu sameeyo guud ahaan Xarumaha iyo Dhakhaatiirta ku shaqeysta Xirfadaha Caafimaadka, isla markaana waxa la soo saaray go’aan inaanay dalka ka shaqeyn karin Xarun aanay siinnin Shahaadada oggolaanshaha iyo Dhakhtar aanay hubinnin tayada aqooneed ee looga baahan yahay.
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND

No comments:

Post a Comment