Tuesday, May 5, 2015

Ha U Rarnaan Cid aan Ku Aqoon

Qalinka iyo buugu waa kuwo marwalba diyaar u ah inay xariiqaan misna si farshaxan iyo runi ku dheehantahay u soo bandhigaan xaalada jirta.

Qaybtan labaad ee “Laba isku kay qaban la’a” waxaan hal-hays ooga dhigayaa kalmad mar walba dawladeenu soo qaadato haddii ay safar ugu baxaan waddanka dibadiisa gaar ahaan Itoobiya, oo ah “Waxaan ka wadda hadlaynay sidii labada waddan xidhiidhka u xoojin lahayeen, iskana kaashan lahayeen xaga nabadgelyada iyo dhaqaalaha”

Sidaan ka warqabno intii ay dhisnayd Jamhuuriyada Somaliland ee nabadgelyada ku caano maashay, waxa Maamulka iyo madaxtinimada iskaga dambeeyey Saddex madaxweyne “Maxamed X Ibraahim Cigaal, Daahir Riyaale Kaahin iyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” Saddexdan Madaxweyn iyo dawladihii gadh-waddeenka ka ahaayeen, waxay ahaayeen kuwo ku dadaalaya inay Somaliland meel gaadhsiiyaan, ha kala dadaal badnadaan markaas, Waxa jiray safaro ay u baxaan Madaxdaasi safaradaas oo sida bulshadu aaminsantahay ay tahay sidii Somaliland aqoonsi u heli lahayd, markasta oo nin maddax ahi safar dibada ah u baxo waxay shacabku u sacabo tumaan in aqoonsigii Somaliland soo dhawyahay oo kol haddii madaxweynihii iyo wasiiradiisii safar ku maqan yihiin ujeedadu tahay hawl qaran oo tan ugu saraysaa ay tahay in aqoonsi iyo ictriaaf u raadiyaan Shacabka iyo dalka Jamhuuriyada Somaliland.

“Nin reer u weyn iyo Gabadh ummuliso ahi midna siday wax u jiraan uma sheegaane” markay madaxdeenu soo Noqoto waxay halku dhig ka dhigtaan in waddankaas ay u bexeen kala hadlayeen sidii nabada iyo horumarka la iskaga kaashan lahaa, “Waxaan soo wadda saxeexanay heshiisyo dhinaca nabdgelyada iyo xidhiidhka labada dal” tani waa kalamad ku baddan madaxda.

Haddaba shacabku waxay layaaban yihiin Misana ah laba aan is qaban in safar dhan oo ay ku baxday lacag aad u badani ay tagaan waddan aan aqoon oo marka ay ku soo noqodo shacabka ku odhanaya waxaan ka wadda hadalnay xidhiidhka labada waddan, Marka hore xidhiidhku ha joogee waddankani ma yaqaan Somaliland, Misane hadduu yaqaano maxay tahay mawqifka kaga wajahan jiritaanka Somaliland.

Haddaba maxay tahay u jeedada madaxda insoo marka ku kalifaysa in ay shacabka u sheegaan wax aan jirn, misana ku qasbaya beenta ay ku dhaqmayaan, Haddii ay hawshan geli kari wayeen oo aanay sida ay tahay uga soo baxay miyeyna ahayn in runta ay ka sheegaan, oo safaradan lacagaha aadka u badani ku baxayo, ileen waa hantidii qarankee la yareeyo oo nidaam sharci ah loo dejiyo, Mida kale aqoonsi-raadisku waa mid ololaha iyo tartanka doorashooyinka lagu galo, oo xisbi kasta oo doorasho u taagani dadka iyo shacabka kusoo jiito aqoonsi ayaan raadinayaa, Waxaan waddamada ka dhaadhicinayaan aqoonsiga iyo xidhiidhka labada waddan, laakiin marka uu xisbigaasi ku guulaysto hogaanka iyo madaxtinimada waxa la arkaa in Hamigii uu lahaa uu noqodo mid aan lugu dhaqaaqin, haddii lugu dhaqaaqi lahaana ay noqon lahayd mid rumowda oo run noqota.

Nin kasta oo raba in uu Jamhuuriyadan Somaliland uu ka noqdo madaxweyn in uu ka jawaaba su’aalo dhawr ah oo ay ka mid tahay in uu Wakhtiyeeyo inta ay ku qaadanyso aqoonsi raadinta waddanku, iyo in uu wakhti u yeelo muddada mashaariicda uu dhagax-dhigo ay noqonayaan kuwo la dhiso, iyo in Lacagtan ah hantidii qaranka ee sida xun loo isticmaalo in la meeleeyo oo loo sameeyo ujeedooyin cadcad.

Qalinkii: Hamse Bashe Muh’ed
E-mail: xamse18@gmail.com
Hargeisa Somaliland
Himilomedia.com

No comments:

Post a Comment