Qeexitaanka Kalmada “Ma-Gafe”.
Haddii aynu ku horayno erayga” Ma” waa astaan tilmaamaysa wax taban, oo shaygii la raaciyo ka dhigaysa diidmo. Tusaale ahaan Ma tagayo, Ma doonayo, Ma jeceli, Ma habboona IWM. Erayga “ Gafe” wuxuu ka yimid kalmada Gafid, micnaheeduna waa seegid amma waayid. Marka labadan la isku daro wuxuu noqonayaa “Ma-Gafe” oo micnaheedu yahay Ma-Seege amma Ma-Waaye.
Tusaale ahaan mowdku kuma gafayo, oo koley waad dhimanaysaa. Nuxurka wuxuu noqonayaa shay amma arrin aan sinaba kuu seegayn. Wakhtiyadan dambe magacan Ma-Gafe wuxuu noqday caan, oo xattaa qof kastaa oo hunguri weyn waa loogu yeedhaa, waxaanu meesha ka saaray eraygii” Iimaan-laawe” amma Iimaan Horor. Dacaayadaha suuqyada ayuu caan ka noqday, qof kastaa qofka kale ayuu ugu yeedhaa.
Inta lagu hayo baadhitaanada Ma-Gafe wuxuu unkamay wixii ka dambeeyey sannadkii 2000, wuxuu la bilaabmay tahriibkan casriga ah ee gaadiidka lagu safrayo, marmarna lugta la maalayo iyadoo la beegsanayo badda cad, oo marka dambena laga raacayo doon diciif ah oo qoryo ka samaysan, laguna raro dad tiro badan.
Tiro ahaan Ma-Gafayaashu way sii badanayaan, halka lacagta ay dalbadaana sii badanayso. Tusaale ahaan haddii markii hore qofka ay madax furasho ugu qaadi jireen 2,000 oo dollar, baryahan dambe waxay gaadhay illaa 4,000 oo dollar. Ma-Gafayaasha waxa laga helaa xudduudaha dalalka Itoobiya, Suudan iyo Liibiya. Hawlgallada Ma-Gafenimadu wuxuu ka fulaa xudduudaha dalalkaasi.
2. Hadimo Qoyseed
• Dhaqaale burbur ku dhaca qoyska : reerkii aan haysan wax hanti ah waxay dantu ku kaliftaa inay xarashaan gurigii ay ku jireen, si ay u badbaadiyaan ubadkooda gacanta ugu jira Ma-gafaha aan diin iyo dadnimo toona aqoon, oo lacag keliya yaqaan.
• Qoys burbur ka dhexqarxa Hooyada iyo Aabaha: sida la wada ogyahay hooyadu way ka naxariis badan tahay aabaha, sidaa darteed ma-gafuhu wuxuu inta badan la soo xidhiidhaa hooyada si ay u soo dirto lacag u dhexaysa saddex kun ilaa shan kun oo doolar. Ka dib hooyadu markaaba waxay go’aaan ku gaadhaa inay lacagtaasi la helo meel kasta ha laga keeno, halka aabuhu dood ka keeno. Halkaasina waxa ka abuurma khilaaf weyn oo mararka qaarkood ay ku kala tagaan.
• Qoyskii haddii ay celcelis ahaan ka tahriibaan toddoba wiil amma gabdhood sannadkii oo ma-gafuhuna mid kasta ka dalbado lacag dhan laba kun oo doolar waxay noqonaysaa 7 meelood oo mid kastaa tahay $2,000= $14,000. Haddii ay dhawr sanno noqoto way ka sii badanaysaa. Halkaasin waxa adhaxda kaga jabay dhaqaalihii qoyska
• Marark qaarkood amma inta badan in ma-gafaha lacagta lagala raago amma la siin waayo, ka dibna uu laayo dhalinyartii. Markay hooyadu maqasho in la dilay inankeedii amma inanteedii inay is-dhaafto maskax ahaan amma toos u waalato. Halkaasina ay ku weydo xiskeedii ilaahay siiyey.
• Qoysaska qaarkood ayaa soo xaraasha geel, adhi iyo lo’ ka dibna u dira ma-gafaha halkaasina ku caydhooba oo magaalada soo gala iyagoo faramadhan.
3. Hadimo Qaran
• Dalkii oo dhalinyartii ka dabargo’do, oo ay isku soo hadhaan da’dhexe iyo waayeel
• Dhalinyartii dhammaysay jaamacadaha dalka oo ka yaacay amma tahriibay, taasina waxay keenaysaa inuu aqoonyahankii dabargo’o, gaar ahaan dalalka afirka waxa lagu sheegaa inay ka haajireen dadkii waxgaradka ahaa taa bedelkeedana ay ku soo hadhaan dad wax-ma-garato ahi.
• Markii ay dalka ka baxaan dadku waxa soo hadhay dad wax ma garto ah, markay dalka madax ka noqdaan waxay shaqadii qaranka ka dhigaan mid habacsan oo aan shaqaynayn. Aakhirkana waxay ku kacaan musuq maasuq, qabyaalad, nin jeclaysi iyo halaag.
• Bedelkii dadkii ka baxay dalka waxa boosaskoodii soo buuxiyey dad shisheeye oo aan dalka u dhalan. Sida Itoobiyaan iyo kuwa ka soo haajiray dalalka geeska afirka.
• Dabar go’ muwaadin ayaa dhacaya oo dadkii shisheeye markay qabsadaan shaqooyinkii iyo ganacsigii waxa dhacaysa inuu dalku u gacan galo shisheeye oo qoomiyado kale waddanka maamulaan.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Haragaysa, Somaliland
calicoomay@hotmail.com
Tix-Raac:
Ma-Gafe……..Buug-Wadareed…A. Diiriye, B. Raadceey, C. Gaas, N. Abubakar, S. Fadal, S. Jamac iyo X. Cali.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment