Tuesday, May 5, 2015

Nuxurka qodobbo Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe kaga wadahadleen kulan gaar ah oo Madaxtooyada ku dhex-maray

“Arrimahaas ayaa ugu waawaynaa waxyaabaha aannu ka wadahadalnay Madaxweynaha, si fiicanna waan ugu mahadnaqayaa sida uu ii dhegaystay, talooyinkaygana wax aannu iskaga hornimi ma jiraan, isku aragti baannu noqonnay, in….”
“Madaxweynuhu waaka Warqadda qoray, kolkaa masuuliyadda uu siiyey waydinka qoray ee ay ku taallo Jaraa’idka, aniga ha I weydiinnina, wakhti baa la cayimay oo Guddiga doorashooyinku…” Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe: Waraysi Gaar Ah
Hargeysa, 05 May, 2015-(Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo), ayaa kulan gaar ah ku wada yeeshay Qasriga Madaxtooyada habeen-hore, kaasoo ay kaga wadahadleen arrimaha doorashooyinka, muddo-kordhinta Guurtida hor-taalla, Xaaladda Taleex, qaabka nololeed ee Jaaliyadaha reer Somaliland ee Qurbaha, toban dal oo uu Faysal socdaal ku dhawaad afar bilood qaatay uu ku soo maray waxa uu kala soo kulmay, Shirkii Garoowe ee Soomaalida saamaynta cadaawadeed ee Somaliland kaga iman karta iyo qodobbo kale.
faysal c waraabeInkasta oo aanu jirin War rasmi ah oo ay Madaxtooyadu kulankaas ka soo saartay, haddana Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo Wargeyska Himilo xalay Waraysi gaar ah Khadka Taleefanka kula yeeshay isagoo ku sugan magaalada Hargeysa, ayuu faahfaahin kaga bixiyey kulanka gaarka ah ee ay Madaxweynaha wada yeesheen, waxay kaga wadahadleen, xaaladda muddo-kordhinta, dib u dhaca doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo Guddi 29-ka Xubnood ka kooban ee Golaha Guurtidu u xulay ka soo talo-bixinta muddo-kordhinta Xukuumadda iyo Wakiillada ee hortaalla.
Guddoomiyaha UCID oo ugu horreyn ka jawaabayey waxyaabaha ay Madaxweynaha kaga wadahadleen kulanka ay yeesheen waxa ay la xidhiidheen, waxa uu yidhi; “Allaah mahaddii Madaxweynaha xalay (habeen-hore) waannu is-aragnay, horena markii aan baxayey waan sii maray, wixii talo ahaa waan u dhiibay, waxaan u baxayeyna waan u sheegay, haddana maaddaama oo aan afar bilood in ku dhaw maqnaa, toban dalna soo maray, waxaan uga xog-warramayey dalalkaan soo maray, arrimahaan kala kulmay iyo Jaaliyadaha Somaliland wacyigay ku nool yihiin, kabbacdina waxaan kala hadlay xaaladda dalka ka taagan ee doorashooyinka foodda innagu soo haya ee Komishanku uu cayimay wakhtigooda iyo shaqaaqada ka dhacday Taleex.”
“Arrimahaas ayaa ugu waawaynaa waxyaabaha aannu ka wadahadalnay Madaxweynaha, si fiicanna waan ugu mahadnaqayaa sida uu ii dhegaystay, talooyinkaygana wax aannu iskaga hornimi ma jiraan, isku aragti baannu noqonnay, in Somaliland u baahan tahay in dadka la mideeyo, in dadka kalsoonidii lagu soo celiyo iyo abtirsigii somalilandnimada oo aad mooddo inay hoos u dhacday iyo in indhaha kor loo qaado, taasina waxay dhacaysaa in marka hore gudeheenna wixii taagtaagan ee aynu ku kala duwannahay Mucaaradka iyo dawladda in la hagaajiyo, ka bacdina ka midawno cadawga garoowe innoogu shirayna ka hortagno ayaan ku boorriyey, si fiican baannu isugu afgarannay.” Sidaa ayuu yidhi Eng. Faysal.
Faysal Cali Waraabe oo aan weydiinnay xaaladda xasaasiga ah ee hadda taagani inay tahay arrinta muddo-kordhinta, haddiiba ay Madaxweynaha isla soo qaadeen waxay iska yidhaaheen, walaaca laga qabo in Guurtidu wakhti ka badan sannadka Guddiga doorashooyinku soo gudbiyeen kordhiyaan, waxa uu ku jawaabay; “Arrintani arrin lagu murmo maaha, annga UCID baa soo jeedinnay oo nidhi muddada dib u dhaca maaha in la siyaasadeeyo ee waa in farsamo ahaan loo eegaa, tiina way yeeleen, saddexda Xisbina iyo Komishankuna way isla ogolaadeen, markaas baa la baahiey, beesha caalamku waxay doonaysay december 2015, markii dambe-se way oggolaadeen, immika wax lagu murmo maaha, berigii hore ee aan wakhti la qaban baa la murmi jiray oo aynu dibedda cid uga yeedhan jirnay sidii tii 2009-kii oo kale, laakiin immika wax lagu murmo maaha Guddiga doorashooyinku way cayimeen. Qofkii u jeeda in dib looga dhigo xilliga Komishanka waa inuu sababeeyaa waxa uu dib ugu dhigayo.”
“Madaxweynuhu waaka Warqadda qoray, kolkaa masuuliyadda uu siiyey waydinka qoray ee ay ku taallo Jaraa’idka, aniga ha I weydiinnina, wakhti baa la cayimay oo Guddiga doorashooyinku cayimeen, cidda leh waa in dib looga dhigaa waxaa la caddeeyey waa inay caddaysaa sababta looga dhigayo. Annagu ma aragno sabab dib loogaga dhigo xilligaas.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo lagu celiyey su’aal la xidhiidhay in Madaxweynaha iyo Guurtidu isla ogyihiin wakhtiga laga digay ee sannadka ka badan in muddada la kordhiyo.
Waxa mar kale lagu celiyey Faysal inay u kala caddahay in Madaxweynuhu ku raacsan yahay Guurtida wakhtiga sannadka ka badan iyo in kale, waxa uu yidhi; “Madaxweynuhu waa nin wayn oo shan sano ayuu joogay, Muxuu ku falayaa wax sharaftiisa dilaya, maanta in doorasho wanaagsani dhacdo oo uu magac ka tego weeye, markaa Madaxweynaha anigu kuma arag, warqadda uu qoray ee gaarka ahna waynaga aragnay, waxan suuqa laga leeyahay ee dadku ka sheekaynayaan raaci maayo. Waxaan raacayaa markaan la kulmay, Warqadda uu qoray iyo markasta oo uu sidaa leeyahay waan arkaa, markaa waa la yidhi-la-yidhi anigu kama hadlayo. Waxaan ku leeyahay indhaha ha iska tuurina cidda doonaysaa in laba sano la durkiyo iyo saddex la durkiya-ba waxa doonayaa waa Golaha Guurtida, Golaha Wakiillada iyo Wasiirrada qaarkood, maaha in Madaxweynaha gaar loola baxo, cidda doonaysaa waa kuwaas.”
Sidoo kale, Guddoomiye Faysal oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inaan illaa hadda la samaynin Xeerkii lagu soo dooran lahaa Golaha Wakiillada ee ka hadda tobanka sano fadhiya beddeli doona doorashada sannadka dambe Komishanku sheegay inay qabanayaan iyo sida u uu u arko waxa uu yidhi; “Wakiilladu waa faashil, Golayaasheennu waa faashil, Shacbi dhiidhiyaya ayaan jirin ee Golayaal la sii eegto maaha, wax danta dalka iyo dadka ka fikiraya maaha. Waa nimanka shan sano oo dheeraad ah fadhiyey ee leh markaannu ka tegayno sannad mushaharkii hannaloo sii qaddimo, waxay qabtaanna ma jirto, Guurtidu halkaas bay iska fadhiyaan maalinta doorashada ayuun baa la arkaa waxay qabtaan malaha, laba laba kun oo dollar bay iska qaataan, Askariga cadawga innagaga dayran ee Jiidda hore joogaana boqol dollar buu qaataa, dadka caynkaas ah ayaa la leeyahay ummad ha u taliyaan, dadkii baa mirqaansan oo aan ka dhiidhiyahayn.”
Waxa la sii weydiiyey Faysal maaddaama oo aan illaa hadda Xeerka doorashooyinka la samayn sida ay suuragal ku tahay in labada doorasho ee Wakiillada iyo Madaxtooyada mar la wada qabto, waxa uu ku jawaabay; “Baarlamaanku hadduu xilkiisa ka soo bixi waayo muxuu ku fadhiyaa waa in la eryaa gebigooda qasab lagu dareeriyaa, maxay labada kun ee doollar innoogu qabtaan ee ay qaataan, Askarteenna xuduudka joogtaana boqol boqol dollar bay qaatana. Markaa, waxan oo dhami waa macno la’aan, ummaddani waxay u baahan tahay in dawlad hagaagsan loo dhiso, been in loo sheego maaha. June 2016-ka ayay dhacaysaa bay Guddigu yidhaahdeen doorashooyinku, intaa waa in cadaadis lagu saaraa inay sameeyaan Sharciga, way haystaan wakhti.”
Guddoomiyaha UCID oo ka jawaabeyey su’aal laga weydiiyey in muddada ay Guddiga doorashooyinka Somaliland u cayimeen doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada ee 1-da bisha June sannadka 2016-ka, inay ku beegan tahay maalinta loo muddeeyey doorashada dalka Soomaaliya, waxa uu ku jawaabay; “Maxaa ka micno ah haddii ay isku soo dhacaan, immisa waddan bay doorashooyinkoodu isku soo dhacaan dunida, maaha waxaasi wax la is-weydiiyo, way isku dhici karaan doorashooyinku.”
Gebo-gabadii Guddoomiyaha Xisibga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Bulshada Somaliland aanay haysan Masuuliyiin ka naxa, isla markaana masuul weliba dantiisa gaarka ah u ordaayo, waxaanu yidhi; “Waxaan u arkayaa inaanay dadkan wax ka masuul ah oo ka werwerayaa aanu jirin dadkan iyo dalkan, Masuuliyiinta Somaliland qof waliba dantiisuu wataa oo uu ka werwerayaa, waxaana lagu kala qaybiyey qabiil, wixii ka soo yeedhaana waa haddaannu reer hebel nahay, haddaannu reer Hargeysa nahay ka soo bixi mayso, haddaannu reer Burco nahay ka soo bixi mayso, haddaannu reer Laascaanood nahay ka soo bixi mayso, haddaannu reer magaala-hebla ama gobol hebel ka soo bixi mayso, taasna dal laguma wadi karo.”

Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment