
Madaxweyne Uhurur Kenyatta, ayaa kulammada Kerry ka dib sheegay inay ka wadahadleen arrimo ku saabsan maalgelin Maraykanku ku sameeyo Kenya si dhaqaale iyo shaqo loo abuuro, arrimaha ammaanka iyo socdaalka la filayo in Madaxweyne Obama ku tego Kenya bisha toddobaad ee sannadkan 2015-ka.
“Waxaannu falanqaynay sidii loo fududayn lahaa ganacsi Maraykanku ka sameeyo Kenya iyo fursadaha Shirkadaha Maraykanka uga bannaan Kenya. Dawladdaydu waxay doonaysaa inay hesho Shirkado badan oo Maraykan ah oo maalgashada Kenya, gaar ahaan dhinacyada Isgaadhsiinta Casriga ah (ICT), Tamarta, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Caafimaadka.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Kenya oo kulankaas ka dib Saxaafadda la hadlay.
Uhuru Kenyatta waxa uu sheegay in dalkiisu Maraykanka uga baahan yahay taakulayn dhinaca adkaynta ammaanka ah, waxaanu yidhi; “Waxaannu ka wadahadalnay haddidaadda nooga imanaysa Argagixisada iyo sidii Maraykanku Kenya uga taageeri lahaa. Kenya waxay u baahan tahay in laga taageero dhinacyada tabobbarrada, qalabka iyo baadhista. Dawladdaydu waxay jeceshahay inay si dhaw ula shaqayso Maraykanka si loo xakameeyo dhaqaalaha Argagixisada.”
Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale sheegay inay Xoghayaha Maraykanka ka wadahadleen sidii loo xasillin lahaa waddamada Koonfurta Sudan iyo Soomaaliya. Waxa uu sheegay in John Kerry ku ammaanay Kenya doorka ka qaadato dejinta Colaadaha Soomaaliya iyo Sudanta Koonfureed.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment