Monday, May 4, 2015

Sarkaal Hore Uga Tirsanaa Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Xalay Ku Geeriyooday Magaalada London

London:May,04,2015(Himilo)-Khadar Cismaan Guuleed, Agaasimihii hore ee Waaxda Bilicda Caasimadda Hargeysa Khadar Cismaan Guuleed, ayaa Xalay ku geeriyooday Magaalada London, sida ay ehelladiisu warbaahinta u xaqiijiyeen.

kharrMarxuum Madoobe oo sidoo kale mar ahaa Guddoomiyaha degmada Gacan Libaax ee Magaalada Hargeysa ayaa kamid ahaa Qurbejoogga Reer Somaliland ee Halkaas Deggen, waxana shaqooyin kala duwan uu kasoo qabtay Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Marxuumka oo Alle ha u naxariistee maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Magaalada London ayaa xalay geeriyooday, inkasta oo aan la sheegin in xanuunsanayey iyo in kale.

Marxuumka ayaa muddo dheer ka mid ahaa masuuliyiinta dawladda Hoose ee Hargeysa, waxaanu xilkii u dambeeyay ee uu ka qabtey uu ahaa Agaasimaha Waaxda Bilicda ee Hargeysa. Xilkaasi ka horna waxa uu ahaa Guddoomiyaha degmada Gacan Libaax.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment