[gallery columns="4" ids="19190,19189,19188,19187"]
Wasiiro ka tirsan xukuumada, Madaxdhaqameed, Cullimo aw Diin, Aqoonyahayo iyo Dadweyne tiro badan oo isugu jira rag iyo dumar ayaa si heer sarre u soo dhaweeyey Sheekha, kaga hor-tegay gagida diyaarahadaha caasimada Hargeysa ee Cigaal, ka dibna u soo galbiyey Hotel Guuleed oo uu kula hadlay dadweynihii soo dhaweeyay isaga oo sidoo kale ka war-bixiyey xaalkiisa caafimaad.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Siiro) oo ka mid ah Cullimadda waaweyn ee Somaliland ayaa qalliin ku gallay waddanka Hindiya ka dib markii Inantiisu ay u saartay mid ka mid ah kelyaheeda.
Sheekh Aadan Siiro ayaa sheegay inay xaaladiisa Caafimaad aad u wanaagsantahay, waxaana uu ugu mahad-naqay dadkii soo dhaweeyay iyo kuwii xaaladiisa caafimaad la socday ee guddaha iyo dibadaba iyo inantiisa baariyada ah ee nafteeda u hurtay, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Walaalayaal aad ayaad u mahad-san tihiin, waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqayaa dadka ehelkee kheyrka badan leh ee iga hor-yimid, waxa kale oo aan aad ugu mahad-naqayaa inantii aan dhalay ee idin furatay, Somaliland oo dhan bay furatay, ehelkii oo dhan bay furatay dhamaanteen culeys ina haystay bay inaga furatay”
Sheekh Aadan oo wejigiisa ay ka muuqatay hillaw iyo kalgacal uu dadkiisa iyo dalkiisa u qabo ayaa intaasi waxa uu ku daray “Waxa kale oo aan aad ugu mahad-naqayaa ilaa 18-qof oo u soo diyaar garoobay oo dadka ehelka ah ka mid ah inay kelidaa ii bixiyaan, laakiin aan anigu ku idhi horta bal annagu reer Xaaji Aadan Maxamuud ahaan aanu soo kala dhamaano. Waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqayaa dadkii faraha badnaa ee runtii igu xidhnaa ee habeen iyo maalin ila soo xidhiidhayay ee uu ka mid ahaa wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis. Waxa kale oo aan u mahad-naqayaa ilaa Kontomeeyo qof oo si hagar la’aan ah oo Insha Allaahu aan magacyadooda halka dambe aan ka soo sheegi doono, waxaan leeyahay Baaraka-laahu Fiikum”.
Ugu dambeyntii Sheekh Aadan ayaa ummada Somaliland ugu baaqay inay ku faro-adaygan midnimada, nabada iyo qaranimada ay hastaan “Dad yar baynu nahay Somaliland, nabadu waa lama huraan, midnimadeenu waa lama huraan, qaranimadeenu waa lama huraan. Wakhti xasaasi ah oo kala guur ah ayaan ku jirnaa, waxaynu ku heshiino si taa u ilaalino mar walba waxaynu ku heshiino ha la ilaaliyo, waxay ahayd inaan 6-billood sii joogo dhakhtarka laakiin waxaan doorbiday maadaama aan 7-billood idinka maqnaa inaan dalkii ku soo noqdo oo wax kasta oo jira oo duruufo caafimaad haddana aan nolosha idinla qeybsado” ayuu hadalkiisi ku soo koobay Sheekh Aadan.
Hadalkan Sheekha ka hor ayaa kulankan waxa ka hadlay Wasiirada Arrrimaha Dibada, Diinta iyo Awqaafta, Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal, Mulkiilaha Dugsiyada Nuura diin iyo Sheekh Maxamed Aadan oo dhamaantood u duceeyey Sheekha iyo inanta uu dhalay ee kelida u saartayba.
DAAWO SAWIRADA

HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND
No comments:
Post a Comment