Saturday, May 9, 2015

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland iyo Askarigiisii oo Budhcad Hubaysani Toogasho ku dishay

Gaalkacyo, 09 May, 2015-(Himilo)- Xildhibaan Siciid Xuseen Dirir oo ka tirsanaa Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa xalay lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaasoo u geeriyooday Allaah ha u naxariistee Rasaas ay Dablay hubaysani ku fureen Salaaddii Maqrib ka dib.
Rag Bastoolado ku hubaysan, ayaa la sheegay inay dileen Marxuum Xildhibaan Siciid Xuseen Dirir oo ku magac-dheeraa (Siciid-Lugool) xilli uu ka soo baxay Masaajidka Abu Hureyra ee magaalada Gaalkacyo, waxaana sidoo kale lala dilay Nin ilaalo ahaa oo Xildhibaanka la socday sida ay goob-joogayaal u sheegeen Saxaafadda, markii dilku dhacay wax yar ka dib.XILDHIBAAN SICIID LUGOOL
Dablaydan dilka geystay, ayaa sidoo kale adeegsaday Bam-gacmeed ay ku kala eryeen dadkii goobta ka ag-dhawaa iyo dadka Masaajidka ka soo bxayay, taasoo sahashay si sahlan inay goobta uga baxsadan oo aan lagu guulaysan inay gacanta ku dhigaan Ciidammada Ammaanka dhinaca Puntland ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo markii dilku dhacay wax yar ka dib goobta soo gaadhay. Mana jirto weli cid sheegatay masuuliyadda dilkaas.
Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dilka xaq-darrada ah ee lagu khaarajiyey Xildhibaanka, isla markaana waxa uu Tacsi u diray Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Baarlamaanka iyo guud ahaan Shacabka reer Puntland oo uu ka tacsiyadeeyey dilka Mudanahaas Dablaydu dishay. Waxaanu Marxuumka Allaah uga beryey inuu Jannada geeyo, samir iyo iimaanna ka siiyo inta uu ka baxay-ba.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment