Thursday, October 1, 2015
Amar ka soo baxay Maxkamad oo lagu siidaayey Afar Fannaan & Wasiir Cukuse oo sheegay in Xadhiggooda loogu quus-goynayey Madaxwaynaha Soomaaliya
FM-ta Idaacadda VOA oo hawada ka maqan iyo Xukuumadda oo dib u eegaysa heshiiska ay kula jirto
Hargeysa, 1 October, 2015-(Himilo)- Xukuumadda Somaliland ayaa dib xorriyadooda ugu soo celisay afar ka mid ah Hoobollada Xiddigaha Geeska oo muddo afar maalmood ah ku xidhnaa Magaalada Hargeysa, ka markii xabsiga loo taxaabay markii ay ka soo laabtay Magaalada Muqdisho oo ay bandhig-faneed ku qabteen Ciddii Carafo.
Fannaaniintan oo kala ahaa, Xamda Queen, Nimcaan Hilaac, Cirro iyo Odey ayaa doraad la hor-geeyay Maxkamadda Gobolka Hargeysa, laakiin Maxkamadda ayaa diiday inay qaado dacwaddii loo haystay, waxayna sheegtay inaan afarta fannaan qabashadood sifo sharci ah loo marin, waxayna shalay soo saartay qoraal ay ku amreyso in xorriyaddooda loo soo celiyo, taasi oo xukuumaddu aqbashay isla-markaana ku siidaysay.
Qoraalka Maxkamadda gobolku soo saartay oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha maxkamaddaas Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa waxa lagu amray taliyaha qaybta booliiska ee dambi baadhista CID iyo taliyaha saldhiga dhexe ee booliiska ee Hargeysa inay isla shalay sii daayaan maxaabiistaasi afarta fannaan ah, Maadaama baa qoraalka lagu yidhi booliisku ku guuldareystay inay maxkamadda horkeenaan sabab sharci oo macquul ah oo ay uga baaqsadeen inay ku dalbadaan amar qabasho iyo inay keenaan xogaha dhacdada, sababta xadhiga iyo cadaymaha la helay oo faah-faahsan.
Qoraalka maxkamadda waxaa kaloo lagu sheegay in iyadoo maxkamadu ka duuleysa distoorka Somaliland qodobka 25-aad oo daamanad qaadaya xorriyaadka aasaasiga ah ee shakhsiyaadka ay reebantay inaan qofna xorriyadiisa looga qaadi karin si aan sharciga waafaqsaneyn.Maxkamaddu waxay sheegtay inaanay banaaneyn in qofna la qabto, la baadho, ama la xayiro haddii aanu markaasi denbi faraha kula jirin ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo xidhin garsoore awood u leh.
Xukuumadda oo tixgelinaysa amarka Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa isla shalayba oodda ka qaadey afarta Fannaan oo xidhnaa ilaa Axaddii toddobaadkan. Hase-yeeshee, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo shalay saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa Hargeysa, ayaa ka hadlay xadhigga Fannaaniinta la siidaayey.
Wasiir Cukuse oo ugu horeyn ka jawaabaya su’aal ahayd in Fannaantiina lagu xidhay amar uu isagu bixiyey ayaa yidhi; “Haddaad su’aasha uga jeedo xubnaha ka midka Xiddigaha Geesku ma Wasaaradda Warfaafinta ayay u xidhnaayeen, waxaan leeyahay wasaaraddu maaha Saldhig boolis, maaha Milletari, laakiin wasaaradda amniga ayay xoojisaa oo ay ka qayb-qaadataa”
Wasiir Cukuse waxa uu sheegay in Xadhigga Fannaantiina Xiddigaha Geeska lagaga hor-tagayey qorshe Xasan Sheekh ku doonayey in Somaliland iyo Soomaaliya xidhiidh ka yeeshaan dhanka fanka iyo dhaqanka “Jamhuuriyadda Somaliland maxay ka qabtaa qofka Magaciisu saamaynta leeyahay ee halkan ka tagaya ee Soomaaliya tagaya, hadduu Sheekh weyn yahay, hadduu siyaasi yahay, hadduu Fannaan yahay, maxaase ugu jaban in qofkaasi intuu Somaliland ka tago uu Muqdisho tagayo, waxa ugu jaban wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya tiraba dhowr jeer baa lagu qabtey dalka Turkiga, markaa Madaxwaynaha Soomaaliya waxa uu wakhtigaa uu Madaxwaynaha Somaliland la hor-fadhiisanayey ee uu waydiisanayey is dhex-galka dhinaca fanka iyo dhaqanka, markaa haddii aynu fursad u siino inaynu Muqdisho oo sheeganaysa inay ina xukunto u tagno iyaguna inoo iman karaan waxaynu uga markhaati kacaynaa waxay sheeganayeen” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Xiddigaha Geesku waa Carruurteenii, laakiin waxa dhici karta in Magacooda iyo da’doodu kala waynaadeen, Carruurnimo way qaadi kartaa, markaa waajibka inna saarani waxa weeyaan inaynu u caqli celino, saakana (shalay) waala siidaayey, laakiin taa macnaheedu maaha in inta qaar kale caayaan oo ay Xamar tagaan haddana la iska siideynayo, ma naceysan karayaan dawladnimada Somaliland iyo cidda Qadiyadda ilaalisa”
Wasiirka Warfaafinta Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA oo uu sheegay dareenka dadweynaha Somaliland ee dhageysta ka soo noqonayaa xun yahay “Waxaan ma marag kacayaa in idaacadda VOA ay ilaa hadda qaladaad badan innagu samaysay, waayo dhageysiga Idaacadda VOA dareenka dadweynuhu ka soo celiyaan ma fiicna maalmahan, annagana masuuliyad baa naga saaran inaanu ka jawaabno”ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey isaga oo ka jawaabaya su’aal Idaacadda BBC-du waydiisay, taasi oo ahayd inay bakhtiiyeen FM-ta idaacadaha BBC-da iyo VOA ee Hargeysa, waxaanu yidhi; “Annagu Idaacadaha ma shidno, mana bakhtiino, laakiin Idaacad ba idaacadda ay ka da’yar tahay ayay ka edab daran tahay.”
Mawjadda FM-ta ee Idaacadda VOA ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay hawada ka maqnayd, waxaanu Wasiirka Warfaafintu sheegay inay dib eegayaanheshiiskii ay kula jireen.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment