
Kooxda Shuurada, Gaashaan iyo Ansar Al Sharica ayaa sheegay inay iska kaashadeen weerarkan iyagoo shaaciyey inay doonayaan inay la wareegaan Airportka Benina kahor maalinta ciida oo ku beegan Sabtida.
Madaarka Militariga ee Benina ayaa waxaa yaal hubka culus ee ciidamada Gen.Haftar iyo waliba diyaaradaha dagaalka ee uu ku weerarayey kooxahan islaamiga ah gaar ahaan dhaq dhaqaaq Ansar Al Sharica oo uu Maraykanka ku tilmaamo argagaxiso.
Gen.Haftar oo hore ulla soo shaqeeyey dowladii Qadaafi ayaa dalka Liibiya kusoo noqday xiligii uu socday kacdoonkii lagu riday xukuumadii Qadafi isagoo markaasi ka yimid dalka Maraykanka oo u baxsaday sanadihii Sideedtamaadkii.
Kooxaha Islaamiga ah ayaa ku eedeeya Gen.Haftar inuu isaga bilaabay dagaalka uu ku qaadayo dhinacooda waxayna sheegeen inuu taageero ka helayo sirdoonka Maraykanka.
Dalka Liibiya ayaa waxaa hada ka socda dagaal xoogan oo u dhaxeeya kooxihii isbaheysiga u ahaa burburintii dowladii Qadaafi, balse kooxahan ayaa hada u kala jabay labo garab oo mid kamid yahay isku baheysteen dhamaan kooxaha Islaamiga ah oo doonaya inay iyagu gacanta ku dhigaan awooda dalka, halka garabka kale uu horkacayo Gen.Haftar iyo saraakiil hogaamisa qabaa ilka kasoo horjeeda kooxaha Islaamiga ah.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment