Friday, October 3, 2014

Wiil Somaliyeed Oo Maxkamad Dalka Zambia Ku Taallaa Xukun Ku Ridday

Ndola:Oct:03,2014(Himilo)-Wiil somaliyeed, ayaa maxkamad ku taalla Magaalada Ndola ee Dalka Zambia waxa ay ku xukuntay Saddex Bilood oo xadhig ah, kadib markii la ogaaday inuu dalkaas sifo sharci darro ah ku joogay.

jilWiilkan somaliyeed ee la xukumay, ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Cabdi Siciid, waxana la sheegayaa inuu shaqooyin kala duwan oo dhuumasho ah uu ku haystay Magaalada lagu xukumay ee Ndola.

Eedaymihii laga hor-akhriyay maxkamadda horteeda waxa kamid ah in Axmed Saciid uu dalka markii hore ku joogay dukumentiyo qaxooti ahaan ah,balse uu ka been-abuurtay sharciyada uu dalka ku joogay sida ay sheegtay Cynthia Ngtasha oo ahayd qaadiga maxkmadda.

“Waraysi laga qaaday Siciid waxa uu no sheegay in u dhalasho ahaan uu ka soo jeedo balse uu haysto sharci qaxootinimo oo sax ah ,balse baadhitaan ka dib waxaan ku ogaannay in sharcigiisa uu dhacay bishii shanaad ee sanadkan “ayuu tidhi Ngatsha.

“Siciid wuxuu ku fashilmay in uu noo cadeeyo sababto uu u cusboonayn –san waayay sharciga dalka ku jooogga sidaa darteed waxaa maxkamadda ay amraysaa in la xidho “ayey hadalkeeda ku dartay .

Ugu danbayntii Siciid oo 27-sano jir ah ayaa maxkamadda ka hor sheegay in arimo dhaqaale ay ku kaliftay inaanu cusboonaysiisan sharcigiisa ,isla markaana uu ku guda jiray sidii u mar kale sharcigiisa uga dhigi lahaa mid shaqaynaya.

Himilo Media

 

 

No comments:

Post a Comment