Sunday, October 5, 2014

Aabe Wiilkiisu Gacanta Ugu Jiro Kooxda Daacish Oo Dalbaday Sii Dayntiisa

Dallas:Oct,05,2014(Himilo)-Aabaha Dhalay Wiil u dhashay Dalka Maraykanka oo haatan gacanta ugu jira Kooxda Daacish, ayaa dalbaday in lasii daayo wiilkaas la Haystaha ah.

amaeMuuqaal ay kooxdu shalay baahisay oo lagu shaaciyey nin u dhashay dalka Britain oo la gawracayey, ayaa ay ku sheegeen inay dhegta dhiigga u dari doonaan Rag kale oo uu ka mid yahay wiilka aabahani dhalay oo magaciisa lagu sheegay Peter Kassig, oo u dhashay Mareykanka.

Aabaha dhalay ninkaasi, Ed Kissig, waxa uu dowladda Islaamka ka codsaday inay wiilkiisa u naxariistaan oo ay siidaayaan, maadaama oo aanu waxba galabsan xilligii la qabanayey.

Britain ayaa ku dhawaaqday in dilka Alan Henning ee dowladda Islaamka inuu ahaa ficil laga argagoxo oo dareen la’aan ah.

Ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa sheegay in dowladdiisa ay adeegsan doonto wixii karaankeeda ah si loo helo dilaayaasha Mr Henning.

Maalintii Jimcaha haatan ina dhaafay, IS waxa ay baahisay fiidiyow muujinayay dilka Alan Henning oo madaxa laga jarayo, waxaana fulinayay nin wejiga duubtay oo luqaddadiisana ay ahayd British.

Haatan waxa uu aabaha wiilkan maraykanka ah dhalay kooxda ka codsaday inay Wiilkiisa iska cafiyaan oo ay xorriyaddiisa u soo celiyaan, balse ma muuqato wax tallaabo ah oo kooxdu ugu diirnaxi karto wiilkan maraykanka u dhashay, maadaama ay si joogto ah ula kulmayaan duqaymo ay diyaarado maraykanku hormood ka yahay ufuliyaan si joogto ah.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment