Caruurtan Gerriyootay oo ahaa sadex hablood oo laba kamid ahi walaalo yihiin da’ dooduna udhexeyso 13 Ilaa 15-Jir, ayaa la sheegayaa inay isku dayayeen inay Balligaas ku dabbaashaan, waxana sida aanu warka ku Hayno ay ubadkaasi Balliga galeen xilli aabahood oo waday uu salaaddii duhur ee shalay tukashadeeda u amba baxay.Wararku waxay sheegayaan in aabaha ubadkaas dhalay uu arkay iyagoo isku shubay balligaas oo ceel-biyood lahaa, isla-markaana uu si degdeg ah uga soo daadgureeyey kuwii yaryaraa, balse nasiibdarro uu markiiba liqay saddex kamid ahaa oo ugu waaweynaa.
Xarunta Dambi-baadhista ee CID-da, ayaa xalay la geeyey ubadka meydkooda, waxase markii dambe la sheegay in sababta la ogaaday, isla-markaana la go’aamiyey in la aaso.
Shilalka noocan oo kale ah ayaa maalmaha ciidaha dhaca, waxana walidiinta ubadka goobaha kala duwan u dalxiis geeyaa ay la kulmaan dhibaatooyin badan oo inta badan u badan dhinaca shilalka gaadiidka.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment