
Wargeyska The New Zealand Hearld on Sunday ee ka soo baxa dalka Australia ayaa qoray in aanay Qoyska ninkaasi waxba kala soconin in lagu xidhay dalka Australia iyo in lagu soo oogay Xag-jirnimo.
Mahad Warsame oo Reerkaasi saaxiib la ah, ahna Guddoomiyaha Jaalliyadda Soomaalida New Zealand ayaa u sheegay Wargeyska The Herald on Sunday inuu Amiin Mohamed beeniyey inuu qorshaynayey inuu u ambabaxo dalka Syria.
Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu inta badan la noolaa hooyadiisa oo ku sugan magaalladda Melbourne, kadibna uu u socdaalay magaalladda Sydney, oo uu joogay muddo ilaa labo bilood ah.
Eedeysanaha Amiin Mohamed oo 24-jir ah ayaa la sheegay inay isaga, hooyadii iyo saddex gabdhood oo ay walaallo yihiin qaxooti ahaan ku soo galeen dalka New Zealand sannadkii 1998-dii, kadib, markii aabihiisa lagu dilay dagaalladdii sokeeye ee ka dhacay Somalia.
Waxa uu dalka Australia u wareegay dabayaaqadii sannadkii 2012-kii, iyada oo uu hal sanno kadib sheegtay inuu helay Baasaboor cusub iyo inuu magac been abuur ku diiwaan-gashaday Telefoon-gacmeed, taasi oo qeyb ka ahayd dadaalka uu ku doonayey inuu ku biiro Kooxda IS ee dalka Syria.
Wargeyska The New Zealand Hearld on Sunday waxa uu qoray inay Boliska Australia dabagal iyo dhegeysi ku hayeen Telefoon ku-sheekeysi dhex maray Amiin Mohamed iyo Nin lagu magacaabo Hamdi Al-qudsi oo deggan magaalladda Sydney, kaasi oo lagu eedeeyo inuu dhallinyaradda Australianka u diro dalka Syria si ay uga soo dagaalamaan,
Hamdi Alqudusi waxa uu u sheegay Amiin Mohamed in loo baahan yahay inuu si dhaqso leh uga qeyb galo Aagga hore ee dagaalka, iyo inay ka wada hadleen inay ku helo Shahiidnimo.
Hay;adda Nabadsugidda Qaranka Australia wey ka gaabsadeen inay ka hadlaan haddii ay ilaalo ku hayeen Amiin Mohamed, ka hor inta aanu ka soo ambabixin dalka Australia.
Eedeysanaha ayaa lagu wadaa inuu bisha December ka soo hor muuqdo Maxkamadda, waxaana la hadal-hayaa inuu muteysan doono xabsi daa’in.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment