
Wararka aanu ka helayno magaalada Dacar-budhuq ayaa sheegaya in dadweynihii saarnaa gaadhigaasi iyo jaadkiiba inla badbaadiyey oo dhamaantood laga soo reebay daadkii, balse waxaan ilaa haatan xal loo helin gaadhigii, kaasoo u muuqda in daadku sidaasi uu kula tago.
Dhinaca kale gaadiid tiro badan oo isugu jira inta badan noocyada dalka somaliland laga isticmaalo ayaa saacado badan ku xayiran baalaha dooxa weyn ee Dacar- budhuq.
Dadweynaha gaadiidkaasi saaran ayaa cabasho ka muujiyey dhibaatada soo noqnoqonaysa ee had iyo jeer ka dhalata dooxooyinka ee ay sababaan daadadka oo halis galiya dadka iyo gaadiidka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment