Baadhitaan lagu sameeyey Qof aan la shaacin waddanka uu u dhashay balse la sheegay inuu laba todobaad ka hor ka tagay waddanka Liberia oo ka mid ah dalalka Galbeedka Afrika ee uu faraha baas ku hayo cudurkan, ayaa laga helay astaamo loo aqoonsaday cudurka Ebola, kaas oo wakhtigan lagu hayo xarun lagu karantiimeeyey si aanu cudurku u fidin.

Astaamaha Cudurka ninkan laga helay, ayaa la sheegay inay soo baxeen 24-kii bishiihore shan maalmood ka dib safarka uu Maraykanka ku tagay, haseyeeshee 28-kii bishii hore ayaa la dhigay cusbitaalka ku yaala gobolka Texas oo qoyskiisu deggen yahay.
Cudurka Ebola oo aanu qofku u gudbin karin bulshada inteeda kale ilaa ay astaamihiisu ka soo baxayaan qofka, waxa la isugu gudbiyaa iyada oo qofka cudurkan qaba oo dheecaanka jidhkiisu gaadho qof kale.
Waddamada Galbeedka Afrika badankooda ayuu cudurkani si ba’an u saameeyey, waxaana u dhintay in ka badna 3,000 oo qof, halka tiro intaas ka badan la shaaciyey inay qabaan cudur-sidaha Ebola, kuwaas oo ay ku jiraan shaqaale u shaqaynayey hay’ado Maryakan ah oo ka hawl-galayey waddamada Afrikada Galbeed ee cudurku ka dillaacay, kuwaas oo markii dambe laga dabiibay cudurkan, ka dib markii loo qaaday waddankooda.
No comments:
Post a Comment