Deeqda Shirkadda AL-NUUR ugu talo-gashay Carruurta ku jirta Xarunta Agoomaha Hargeysa, ayaa isugu jira Dharka Carruurta oo mid kasta oo ka mid ah, Gabdho iyo Wiilal-ba, Maryaha kol-xidhadka ah iyo kabaha ay ku ciidayaan la socdaan iyo agabka carruurta ku ciyaarto munaasibadaha Ciidaha, iyada oo ujeeddada deeqda shirkaddu tahay si ay carruurtaasi ula mid noqoto carruuraha kale ee waalidkood la nool.

Naasir Saleebaan (Naasir-Gargaar) oo ka hadlay munaasibadda, ayaa sheegay inay shirkad ahaan ku faraxsan yihiin deeqda ay ku wareejiyeen xarunta agoomaha Hargeysa oo shirkadda Al-Nuur sannad kasta sidan oo kale ay uga farxiso carruurta ku jirta Xarunta, waxaanu shirkadaha kale ee dalka ugu baaqay inay Al-nuur Furniture kaga daydaan tallaabada ay hormoodka ugu noqotay taakulaynta ubadka aan waalidkooda la noolayn ee xarunta lagu xannaaneeyo.

Deeqdan ayaa illaa Sharabaaddada ay kabaha u xidhanayaan Carruurtu ay ku jiraan sida uu Sheegay Naasir-Gargaar, waxaanu xusay in Carruurta Agoomaha ah ee aadka u yar-yar ay qalabka ay ku Ciidayaan maalinta Ciidul-Odxada u diyaariyeen oo ay Shirkad ahaan ka bixin doonaan. Waxa uu Naasir-Gargaar ugu baaqay Ganacsatada reer Somaliland inay dareen naxariis leh u muujiyaan Ubadka lagu hayo Xarunta Agoomaha Hargeysa oo ay waxay ku tari karaan ku taraan, isla markaana isaga xil-saaraan sida ay Shirkadda AL-NUUR isaga xil-saarto oo kale.

Deeqda Shirkadda Al-Nuur ku wareejisay maamulka xarunta Agoomaha Hargeysa maanta, ayaa noqonaysa sannadkii 6aad ee isku xiga ee shirkaddu sidan oo uga farxiso ubadka aan waalidkood la noolayn ee ku jirta xaruntaas, sida uu noo sheegay Naasir Saleebaan (Naasir-Gargaar) oo deeqda ku wareejiyey maamulka Xarunta.
Shirkadda ALNUUR Furniture ayaa iyadu sannad kasta labada ciidood ee Islaamka kafaalo-qaadday Dharka iyo Kabaha ay ku ciidayaan iyo guud ahaanba agabka ay ku cayaarayaan carruurta ku jirta xarunta Agoomaha oo ku taala Xaafadda Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa.
[gallery ids="9225,9224,9226,9229,9230,9227"]
Himilomedia.com
Hargeysa/Somaliland.
No comments:
Post a Comment