
Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Jilib ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay shalay gantaal ku dhufteen saldhigi booliiska ee degmadaasi oo fadhiisin u ahaa maleeshiyaadka Shabaab.
Dagaalyahanada Shabaab ayaa la sheegay inay xidheen waddooyinka soo gala saldhiga, si an loo arkin qasaaraha ka soo gaadhay duqeyntaasi, ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga waxyeellada ka dhalatay duqeeyntaasi.
Sidoo kale diyaaradaha ayaa lagu soo waramayaa iney isla shalay duqeeyeen saldhig kale oo kooxda Shabaab ku laheyd duleedka magaalada Jilib, waxana dadka ku nool jilib ay sheegeen iney arkayeen qiiq iyo uuro madow oo hawada isku shareeray.
Al-Shabaab ayaa xilligan waxaa soo wajahay culayskii ugu darnaa, kadib markii uu bilowday howlgalka Badweynta Hindiya oo loogala wareegay inta badan magaalooyinkii ay gacanta ku hayeen.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment