
Mas’uuliyiintan ayaa waxay diiradda saareen sidii loo xoojin lahaa sidii dalka Soomaaliya nabad looga dhalin lahaa, sidoo kalena gobolka oo dhan amni uu u noqon lahaa. “Waxaan ku boorrinayaa dalalka gobolka iyo dhammaan Soomaalida inay ka qaybgalaan sidii xal waara loogu heli lahaa Soomaaliya, si nabaddi u soo laabato.” Sidaa ayuu yidhi Ku-xigeenka Siyaasadda ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay D. Feltman.
Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya, ayaa kulanka ka sheegay in dalkiisu uu doonayo in la fuliyo dhammaan qodobbadii heshiiskii ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubba, waxaanu yidhi; “AMISOM iyo Ciidammada dawladda Soomaaliya waxay dagaallo kula jiraan Al-shabaab, haddana waxay gacanta ku hayaan saddex meelood laba guud ahaan Soomaaliya, isagoo xusay inay hawlgalladu socon doonaan inta dalka oo dhan gacanta lagu dhigayo.”
Wasiirka arrimaha dibedda Federaalka Itoobiya Tedros Adhanom, ayaa hoosta ka xariiqay abaaraha ku dhuftay Soomaaliya oo ay dad ka badan hal Milyan oo qof saameyn xooggan ku yeesheen, isagoo ku taliyay in Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Samafalku ay gargaar la gaadhaan dadkaas.
“Xaaladda Soomaaliya, haatan waxay u muuqataa mid sidii hore ka wanaagsan, dalkana waxaa ka socda is-beddello xoog leh.” ayuu Wasiirku raaciyay hadalkiisa, isagoo xusay inay rejo weyn ka qabaan in Soomaaliya ay nabad noqoto sannadaha soo socda.
Dhanka kale, Feltman ayaa isagana Itoobiya uga mahadceliyay qaybta ay ka qaadanayso xal u helidda mashaakillada Soomaaliya, isagoo xusay in arrinta gobolka oo dhan sida Koonfurta Sudan ay muhiim tahay in wax laga qabto.
Itoobiya ayaa ka mid ah Waddamada Midawga Afrika ee ay ka socdaan Ciidammada AMISOM ee ka howlgala dalka Soomaaliya, kuwaasoo haatan ay tiradoodu tahay 22,000 (laba iyo labaatan) Kun oo Askari, kuwaasoo Ciidammada dawladda Soomaaliya ka caawiya ama ka gacan-siiya dagaallada ay kula jirto Malleeshiyada Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab ee dagaalka ka wada badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo suuragal ka dhigay in gobollada iyo degmooyin badan oo dalka ah lagala wareego gacan ku hayntooda.
No comments:
Post a Comment