
Xeer Ilaalinta Magaalada Portland, ayaa waxay dalbatay in ninkan lagu xukumo xabsi dhan 40 sano, balse Garsooraha Maxkamada oo lagu magacaabo Garr M. King, ayaa ugu cudurdaaray dhalinyaranimada ninkaasi, iyadoona uu 30 sano kaga dhigay.
Garsooraha Maxkamada, ayaa qaba in xukunkan uu digniin adag u noqon doono nin kasta, oo doonaaya in uu dhibaato u geysto muwaadiniinta Mareykanka ah, ee aan waxba galabsan.
Maxamed Cismaan oo 23 sano jir ah, ayaa qirtay in uu maleegaayay in uu dhibaato u geysto isku soo bax ay isugu soo baxeen dad lagu qiyaasay 10 kun oo ruux.
Xukunka Maxkamada, ayaa dhacay gelinkii dambe ee Arbacadii shalay, waxaana xukunka walaac ka muujiyay waalidiinta dhalay ninka dhalinyarada ah.
Hooyo Maryan Maxamed, ayaa Garsooraha ka codsatay inuu xukunka u qafiifiyo wiilkeeda, balse uu ka horyimid.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment