(( soosaarka khayraadka dalku waa muhiim ))
Waxa hubaal ah in uu ilaahay ku manaystay Somaliland khayraad kala gadisan sida xoolaha oo maanta wakhtiga xajka malaayiin neef oo adhi iyo geel iskugu jira ay ka dhoofeen dekada caalamiga ah ee berbera taasoo kaalinta ugu muhiimsan uu ka qaatay sheikh saleebaan siciid al jaabiri oo ah mudiirka guud ee shirkada aljaabiri company oo ah shirkadii ugu horaysay ee boqortooyada sucuudiga oo kaalin wayn oo taariikhiya ka qaadatay qodobada hoos ku qoran
1- Qaadistii xayiraada xoolaha Somaliland saarnaa mudo 9sano ah
2- Dhismaha maxjarka caalamiga ah oo noqday biriijka isku xidha geeska Africa iyo sucuudiga
Khayraadka dalkeena
Khayraadka dabeeciga ah sida macdanta iyo shidaalka oo aduunku aaminsanyahay in aanu leenahay xadi aad u badan oo marka aanu soo saarno wax wayn ka badalaaya dhaqaalaha dalka iyo dadkaba oo abuuri doona jawi aanu u eekaano dawlada khaliijka oo iyaguba soo maray marxaladan oo kale .
Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland markuu dhagaystay warbixinta wasaarada shaqada ku leh wuxuu soo saaray xeer lagu abuuraayo ciidanka ilaalinta khayraadka dalka soo saaridiisa, taas oo hoos imanaaya ama ka mid noqonaaya laamaha bilayska Somaliland oo iyagu masuul ka noqon doona sida ciidanka bilaysku u leeyahay laama kala duwan oo mid walba ay leedahay shaqo gooniya .
Sida uu cadeeyay wasiirka arrimaha guduhu ciidankaasi oo qaab dhismeedkiisu yahay mid waafaqsan ciidanka somaliland oo uu ka mid yahay waxa muhiim ah oo lagama maarmaan ah in loo tababaro xirfadaas si ay ugutaan ilaalinta shirkada ajaanibka ah ee baadhaaya khayraadka dalka ku duugan.
Soo saarida shidaalka waana mugdi ku jirin in uu wax wayn ka badali doono horumarka dalka, taa tusaale kuugu filan yahay heerka dhaqaale ee dawlada khaliijku ahaayeen ka hor inta ayna shidaalka dalkooga lasoo bixin iyo heerka dhaqaale ee uu gaadhsiiiyay shidaalka ay lasoo baxeen.
Sidaa awgeed waxaan u baahanahay si aan uga faa’iidasyano waxa khayraad ah ee dalkeena ku duugan in aan gacan ka gaysano shacabka iyo xukuumaduba sidaasoo kale golayaasha qaranka iyo axsaabtaba iyaga oo isku duuban in meel uga soo wada jeedsano horumarka dalka oo aan ka ilaalino wax kasta oo turxaan ah dib udhac keeni kara.
Xasan suudi xirsi
Siyaasi madax banana
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment