Shalay oo taariikhdu ahayd 01 Oktober ee sannadka 2014, waxa ay ku beegnayd sannad-guurada labaad ee ka soo wareegtay Geerida Alle ha u naxariistee Macalin, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo 1-kii Bisha Oktober ee sannadkii 2012-kii ku geeriyooday magaalada Oslo ee dalka Norway oo xaalad caafimaad loo geeyey, ka dib xannuun uu in muddo la il-darnaa marxuumku.
Iyada oo muddo laba sanno ah laga joogo geeridii Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye, waxa aan xuska sannad-guurada marxuumka kaga qayb-qaadanayaa qormadan kooban oo xambaarsan Taariikh nololeedkiisii oo kooban, doorkii uu suugaantiisa kaga qayb-qaatay baraarujinta bulshada, nabadeynta, difaacista xuquuqda aadanaha, la-dagaalanka qabyaaladda iyo Kaalintii uu shakhsi ahaan iyo suugaantiisuba bulshada ugu jirtay.
Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye waxa uu sannadkii uu sannadkii 1950-kii ku dhashay magaalada Hargeysa, Hooyadii Qamaansha Jaamac Xuseen waxay la dhashay oo la walaalo ahaa wiil iyo 4 hablood, kuwaas oo dhammaantood ku noolaayaa magaalada Hargeysa.
Abwaanku waxa uu waxbarashadiisii dugsiga Hoose/dhexe iyo sareba ku qaatay magaalada Hargeysa iyo Sheekh muddadii u dhaxeysay 1960-kii illaa 1970-kii, ka dib waxa uu abwaanku galay Kulliyadii Lafoole sannadkii 1974-kii, halkaasoo uu ka qaatay shahaadada loo yaqaan BSC, isla waqtiyadaas Abwaanku isagoo dhalinyaro ah wuxuu bilaabay curinta maansooyinka iyo hal-abuurnimada, waxa uu Abwaanku dhalay 4 Hablood oo laba bahood ah, kuwaasoo la kala yidhaa Hodan Maxmed Xaashi iyo Hoodo Maxmed Xashi oo ay dhashay Sahra Maxmed Xuseen Naaleeye, oo ahayd Xaaska weyn iyo weliba Hiddo iyo Hibo oo ay u dhashay xaaskiisa Muna Qawrax oo iyada uu guursaday 02-12 2004.
Abwaanku isagoo illaa Waqtigii uu geeriyoon doono ku dhex jiray badweynta curinta maansooyinka iyo Suugaanta kala duwan, ayaa waxa uu sameeyey Riwaayado badan oo ay ka mid ahayd Riwaayadda Dadka badankoodu aadka u hadal hayaan ee aqoon iyo af-garad oo iyada ay wada sameeyen saaxiibkii Hadraawi, kuwaasoo jilayaashii riwayaddaana ay ka mid ahaayeen Maxmed Mooge iyo Shankaroon Axmed.
Alle ha u naxariistee Macallin Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) waxa uu ka qaybgalay oo weliba ahaa shamacyadii ugu iftiinka badnaa Maansooyinkii taxanaha ahaa ee SIINLEY-DA, taasoo dalka ka curatay sannadkii 1973-kii. Bilowgi Siinleyda ama ballaysinkeeda waxa iska lahaa Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), iyo Abwaan Cabdi Qays oo labaduba hadda nool.
Alle ha u naxariistee Macallin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac (Gaarriye) waxa uu ka mid ahaa guddigii qoraalka Af-soomaaliga, sannadkii 1976-kii waxa uu macallin ka noqday dhowr dugsi oo sare, sannadkii 1977-kii ayaa Abwaanka loo bedelay kulliyaddii LAFOOLE oo uu ka dhigi jirey suugaanta, iyadoo muddo yar kadibna loo magacaabay guddoomiyaha waaxda suugaanta Soomaaliyeed.
1980-kii waxa uu Abwaanku ku wareegay Akadamiga Cilmiga Fanka iyo Suugaanta ee Muqdisho, wakhtigii dawladdii Soomaaliya.
Tixihiisii hal-ku-dhigga noqday ee Alle ha u naxariistee Macallin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac (Gaarriye) waxa ka mid ahaa
Qasab kuma Balweyn karo,
Wallee qaaf u jeedo leh qiimahayga kuma rido,
Magac Waa qasaanade,
wallee qado ma dhaafsado,
Ninkii Beesha qaayima, qar hadduu ku soo dumo,
wallee ciidda kama qodo.
Sidoo kale heesihii ugu magaca dheeraa waxa ka mid ahaa TANAAD oo uu kaga hadlayey qoristii afka Soomaaliga.
1979-kii wuxuu abwaanku curiyey riwaayad aan la jilin, oo aan ifkana iman oo la odhan jirey EED HOOYO LAGA GALAY. Riwaayaddan oo ku saabsanayd Dhagarta laga galay hablaha Soomaliyeed ee marka laga danaysto lagu dafiro Carruurta, waxaana ku jirey heeso ay ka mid ahaayeen , Eed hooyo, bixiso, wiil gaabsi iyo dhaleeco.
Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac (Gaarriye) bishii December ee Sannadkii 1980-kii waxa uu ballaysimay taxanihii maanso ee dal iyo debedba maaxday ee deelleyda ee hor dhaca u ahaa halgankii hubaysnaa ee SNM Horseedka ka ahayd.
Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac (Gaarriye) waxa uu ka mid ahaa foolaadka hal-abuurka Soomaaliyeed ee sida geesinimada leh maansadooda ugu adeegsada caabbiga nidaamkii Siyaad Barre.
Alle ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxmed Xaashi Dhamac (Gaarriye) waxa uu 1982-kii ku biiray Ururkii SNM. Wuxuu lahaa abwaanku diiwaan uu ku ururiyey Maansooyinkiisa oo qaar ka mid ah la daabacay, Abwaanku wuxuu ahaa Mid ku Gabyi kara Afka Carabiga, iyadoo uu 1996-kii ka qaybgalay tartan suugaaneed afka Carabiga ah oo lagu qabtay waddanka Ivory Coast, halkaasoo uu ku guuleystay kaalinta koowaad, waxa kale oo abwaanku ka qaybgalay dhowr tartan oo lagu tartamayey Suugaanta Soomaalida oo dhammantood ku guuleystay kaalmaha koowaad.
Dib ula soo noqoshadii Madax-bannaanida Somaliland ee 18/May/1991 Alle ha u naxariistee abwaanku wuxuu ka mid ahaa hormoodka hirgelinta himillada iyo hiigsigii shacabka Somaliland, isagoo door muuqda ka qaatay heshiisiinta iyo isu imaanshihii beelaha Somaliland kuna hoga-tusaaleeyay hibadii uu Illaahay siiyay ee Suugaaneed.
Maansooyinkiisii la mahadshay xilligii dibu-dhiska dalka Somaliland waxa ka mid ahaa maansadii Ergo
Uf qabiilka anaa leh
Wuxuunbaa ku adeegta
Nin iskii kartidiisa
Isagoon cid ku tiirsan
Isku taagi kareynin
Una haysta ateero
Ayaantuu dembi geysto
Laga hoos galo eedda
Ayid waa is-xigtaaniyo
Idinkaa isku reeriyo
Caqligii lixdankii
Maanta iib geli maayo
Sidaan aaminsanahayna
Abkuu doono ha sheegtee
Wuxuunbaa ehel ii ah
Dadka kaan af aqaano
ee si wax iila arkaaya
ee ina midayso ujeedo.
Sidoo kale, waxa maansooyinkii xilligii maamul fidinta iyo dardaarankii dawladnimada waxa ka mid ahaa.
Nin la yidhi na daadihi
Haddii la iska daba galo
Oon doohba ciddi odhan
Damac waayi maayee
Maxaa ii damaanadda
Damo way iska hurudaa,
In Distoorka qiil jiro,
Markay damacdo lagu furo.
Abwaanku waxa uu waqtiga uu geeriyooday macalin ka ahaa jaamacadaha waddanka gaar ahaan Camuud Iyo Hargeysa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment