Weftiga oo badankoodu haween ahaayeen waxa ay la kulmeen Marwada Madaxweynaha, Marwo Aamina Maxamuud Jirde
Hargeysa (Himilo)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan CabdilaahI Ismaaciil Saylici, ayaa maanta Madaxtooyda kula kulmay Wefti ka kooban 12 xubnood oo isugu jira Ururrada Bulshada iyo Macalimiinta Jaamacadaha dalka Norway, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa dalka.

Kulanka madaxweyne ku-xigeenku ku qaabilay weftiga waxa ku wehelinayey Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha Prof Faarax Geedoole, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw-Daahir iyo Wasiirul-dawlaha Maaliyadda Cismaan Saxardiid.
HALKAN KA DHEGAYSO HADALKA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA
[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/10/saylici.mp3"][/audio]

Haweenay lagu magacaabo Brit Riise Fredheim oo ka mid ah weftiga reer Norway, ayaa kulanka ay weftigeedu la qaateen Marwada, waxa ay halkaas ku bixisay isla markaana ku ku deeqday lacag gaadhay $1000 (Kun Dollar) oo ay ugu talo-gashay Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan qaybta Hooyada iyo Dhallaanka.
Kulanka kadib waxa halkaasi hadalo ka jeedisay Marwada Madaxweynaha iyo haweenayda hoggaaminaysay weftiga, iyada oo marwaduna guddoonsiisay hadyad ay ugu talo gashay.
HALKAN KA DHEGAYSO HADALKA MARWADA IYO HOGGAAMIYAHA WEFTIGA
[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/10/ws.mp3"][/audio]
[gallery columns="4" ids="9243,9242,9241,9240,9239,9238,9237,9236"]
Himilomedia.com
Hargeysa/Somaliland
No comments:
Post a Comment