Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa soo maray Maayiro badan, oo qaar ka mid ahi ay ku shaqaynayaan duruufo iyo marxalado adag, maayar kastaana wuxuu ka tegay wax qabad muuqda inkastoo wakhtiga ay xilka hayeen maayarada qaarkood iyo waxqabadka ay ka tegeen aaanay isku dhigmaynin.
Haddaba markaan u soo noqdo dulucda qormadan, masuul kasta oo xil qaran hayaa marka laga yimaado xilka uu ku magacaabanyahay waxa uu si dadban u metelaa da’ahaan inta ay isku filka yihiin, kaasoo sumcad wanaagsan usoo jiidaysa haddii uu masuulkaasi wax fiican qabto.
Subax dhawayd ayaa waxaan la kulmay dhalinyaro iyo niman odeyaal ah oo kaftamaya, mid ka mid ah odeyaashii ayaa waxa uu ku kaftamayay masuuliyad iyo xil la idiima dhiibi karayo haddii aad tihiin dhalinyaro halka, dhalinyaraduna ay ugu hal celinayeen annagu maskax cusub iyo muruq cusub ayaanu haynaa, waxaana kaftankii lagalay maayarka caasimadda Cabdiraxmaan Soltelko oo ay dhalinyaradu tusaale u soo qaateen waxqabadkiisa. Waxaanay dhalinyaradii hoga tusaaleeyeen odoyaashii waayeelka ahaa ee ay sida quruxda badan u kaftamayeen, sida firfircoonida leh ee hawlaha dawladda hoose isugu duba dhaceen intii uu xilka hayey maayarka dhalinyarada ah ee Cabdiraxmaan Soltelko.
Sidaasi marka ay tahay wax marag ma-doon ah in maayarka caasimaddu uu tusaale u yahay dhalinyarada dalka, waxaanu si dadban ugu matalaa xilka uu hayo.
Waxqabadka muuqda iyo dadaalkiisuna waxay rajo iyo yiddidiilo gelinayaan inta ay isku faca yihiin ama ay isugu dhaw yihiin da’ ahaan inay ku tartamaan xilalka dawladda iyaga oo niyadda ku haya in masuuliyiintii iyaga ka horreeyeyba ay wax fiican qabteen.
Qoraa: Maxamed wadaad yare
Tell: 4174517
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment