Monday, March 2, 2015

Dabaal-degga Sanad-guurada 91-aad Ee Dhalashada Madaxweynaha Zimbabwi Oo Maroodiyaal Lagu Qalay

ritHarari:March,02,2015(Himilo)-Dalka Zambia, waxa maalintii shalay lagu qabtay Dabaal ballaadhan oo lagu xusayey Sanad-guuradii 91-aad ee kasoo wareegtay dhalashada Madaxweynaha dalkaasi Ropert Mugabe.

Madaxweyne Mugabe ayaa dadkii kasoo qeyb galay xafladiisa uu ugu dabaal dagayaya dhalashadiisa waxaa uu ku casumay oo uu u gawracay neef Maroodi ah,kaas oo si weyn u xiiso geliyey dadkii xafladda kasoo qaybgalay.

Xafladaan oo la sheegay in ay ku baxday kharash aad u tirro badan ayaa waxaa dhaleeceeyay oo warbaahinta ka hadlay ururada mucaaradka ah ee ka jira dalka Zimbabwe kuwaa oo ku tilmaamay in xadgudub ay tahay in xaflad lagu baxsho qarash intaa la’eg iyadoo lagu qaban karo dano guud oo badan.

Mugaabe ayaa dhashay sida la sheegaya sanadii 1924-kii waxaana uu yahay madaxweynaha ugu horeeyay ee dalka Zimbabwe tan iyo markii uu dalkaasi ka xoroobay gumeystihii talyaaniga ee sanadii 1980.

Mugaabi ayaa ku sifoobay shaqsi jecel dadka Afrikaanka ah iyo midabkooda hase ahaatee waxaa la sheega in aanu ahayn nin gacan furan.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment