Thursday, March 19, 2015

Ingiriiska oo ku celiyey inay Muwaaddiniin Maxaabiis ah oo Xabsiyadooda ku jira dib ugu celinayaan dalal ay Somaliland ku jirto

Wasaarada Caddaaladda Somaliland oo ku fashilantay inay Shacabka u faahfaahiso heshiiska dib u celinta Maxaabiista ay Ingiriiska la saxeexdeen ee Muwaaddiniinta lagu soo mastaafurinayo
London 19 March, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Ingiriiska, ayaa mar kale shaacisay inay dedaal weyn ugu jirto sidii ay dib ugu celin lahayd Maxaabiis ajaanib ah oo Xabsiyada dalkeeda ku jira waddamo ay Somaliland ku jirto oo ay sheegtay in heshiisyo dib u celinta Maxaabiista ahi ka dhexeeyo.
Andrew SelousWasiiru-dawlaha Caddaaladda dawladda Boqortooyada Britain Andrew Selous oo ka jawaabayey su’aal Xildhibaan Baarlamaanka Midowga Yurub u qaabbilsan Ingiriisku ka weydiiyey tirada Maxaabiista ajaanibka ay ku celiyeen waddamadooda, ayaa sheegay inay wadaan dedaal la xidhiidha dhammaystirka mawduucaas muhiimka ah.
Mr. Hugh Bayley oo Baarlamaanka Miwodga Yurub u qaabbilsan Ingiriiska oo su’aal ka jeediyey fadhi Baarlamaanka Ingiriisku lahaa shalay, ayaa sheegay in kumanaan Maxaabiis ajaanib ah laga sii daayey Xabsiyada Ingiriiska, balse warbixin lagu sheegay tiradooda shan boqol, maxaa ku dhacay ballanqaadkii Xukuumadda Britian ku sheegtay inay dedejin doonto Mustaafurinta ajaanibka dembiilayaasha ah?
Wasiiru-dawlaha Caddaaladda Ingiriiska Andrew Selous oo ka jawaabayey su’aashaas, ayaa sheegay inay hoos u dhigeen tiradii Maxaabiista ajaanibka ee ku jiray Xabsiyada dalkooda, welina shaqo culus u taallo. Mr. Selos ayaa ku celiyey inay heshiis ku saabsan dib u celinta Maxaabiista la saxeexdeen waddamo Somaliland ku jirto, isla markaana hadafkoodu yahay dedejinta mastaafurinta ajaanibka xabsiyadooda ku jira.
Heshiiskan dib u celinta Maxaabiista ee Xukuumadda Ingiriiska iyo Somaliland la sheegay inay kala saxeexdeen, ayaan weli laga hayn tafaasiil dheeraad ah, isla markaana Wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo la sheegay inuu dhinaca Somaliland u saxeexay weli aanu shacabka Somamliland u soo bandhigin muhiimadda uu u leeyahay, faa’iidada iyo khasaaraha dadka iyo dalka ugu jira midna.
Inkastoo masuuliyiinta Ingiriisku sheegeen inay jiraan dembiilayaal ajaanib ah oo dib ay ugu celiyeen waddamada ay heshiiska leeyahiin ee Somaliland ku jirto, ayaan illaa wakhtigan la ogeyn inay ku soo celiyeen dalka iyo tiradooda, loogana fadhiyo Masuuliyiinta Wasaaradda Caddaaladda inay faahfaahin buuxda ka siiyaan Bulshada.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment