Hargeysa (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa si kala gaar ah oo noo soo gaadhsiiyey tacsi ay u dirayaan guud ahaan ummada Somaliland ee uu ka geeriyooday marxuum Cige Axmed Cabdi, illaahay naxariistii janno hawgu deeqee, waxaanay masuuliyiintani si gaar ah uga tacsiyeeyeen madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo qoyskiisa.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Naasir Yuusuf Daahir oo ah Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan aw Cali Faarax iyo Ooridiisa Marwo Jamiila Cige Axmed, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid, Marxuum Cige Axmed Cabdi oo maanta 01/03/2015 ku geeriyooday Hargeysa laguna aasi doono berri 02/03/2015 Boorama.
sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland.
waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Dhinaca kalena, guddoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsi u diray mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax waxaanu yidhi:- Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo xilka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaan tacsi u dirayaa, qoyska, ehelka iyo qaraabada, gaar ahaan Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo murrashaxa jagada madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan geerida Marxuum Cige Axmed Cabdi oo ku geeriyooday magaalada Boorama maanta (01/03/2015).
Waxaan Alle uga baryayaa inuu Marxuumka ku abaalmariyo jannadiisa Fardowza, qoyska, ehelka iyo dhammaanteena uu samir iyo iimaan innaga siiyo Aamiin…Aamiin…Aamiin.
ALLAH MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment