Jawaab-celinta Tabashadii Reer Awdal + Dareenka Isku Beddelka labada Wasiir ee Reer Gabiley
Borama/Gabiley, 01 March, 2015 (Himilo)- Shacabka ku dhaqan degmooyinkna Gabiley iyo Boorama ee gobollada Galbeedka Dalka, ayaa dareen ka dareen-celiyey Isku-shaan-dheynta Madaxweynaha Somaliland ku sameeyey Golihiisa Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka, gaar ahaan mansabyada siyaasiyiinta gobollada Galbeedka oo qaarkood xilka laga qaaday, qaar laysku beddelay iyo qaar xilal cusub loo magacaabay.
[gallery ids="16494,16493"]
Isku-shaandheynta Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda oo dadweynuhu siyaabo kala duwan u macnaysteen, ayaa saamayn ku yeelatay Xubno ka mid ah Wasiirradii miisaanka cuslaa isla markaana ku fadhiyey wasaaradaha ugu shil-shilis ee xukuumaddiisa, gaar ahaan wasiirradii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale, Xannaanada Xoolaha Cabdi aw-Daahir iyo Waxbarashada Samsam Cabdi Axmed.
Go’aanka Madaxweynaha ee isku-beddelka iyo Xil-ka-qaadista oo sidoo kale lagu micneeyey inay jawaab u tahay tabashooyin dhinaca saami-qaybsiga ah oo beelaha Gobolka Awdal ka tirsadeen Xukuumadda Kulmiye, ayaa xilal intii hore ka miisaan culus u keenay beelaha gobolka Awdal, iyada oo isku beddelay masuuliyiin xilal ka hayey xukuumaddiisa iyo masuuliyiin kale oo xilal uu xilal mansabkoodu sarreeyo u magacaabay, sida Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta Somaliland oo loo magacaabay Taliyihii hore ee ciidanka qaranka Xeebaha Galbeedka dalka General Maxamed Cismaan Xudhuun.
Haddaba, suxufiyiin madax-bannaan oo ka hawl-gala gobollada Awdal iyo Gabiley, ayaa shacabka ku dhaqan labada magaalo-madax ee gobolladaas wax ka weydiiyey sida ay u arkeen isku-shaandheynta madaxweynaha iyo sida ay u arkaan xilligan.
Wariye Maxamed Bili-bili oo ka hawl-gala gobolka Awdal oo dadweynaha reer Boorama wax ka weydiiyey sida ay arkaan. Dadka reer Boorama ee wariyuhu wax ka weydiiyey, ayaa qabay dareen salka ku haya in isku shaandhayntani aanay ka tarjumi karin tabashadii ay odayaasha dhaqanku hor dhigeen Madax Siilaanyo, halka qaarkoodna ay tilmaamayeen in isku shaandhayntu tahay mid loo baahnaa isla markaana ay soo dhawaynayaan.
“Waa tallaabo wanaagsan Isku shaandhayntan iyo magacaabistan Madaxwaynuhu uu sameeyay, xilalka uu u magacaabay Galbeedkana waa kuwo laga sugayay oo waan soo dhawaynayaa, waa run oo marwalba lama wada heli karo wax badan oo sareeya, waase talaabo lagu gaadhi karo tan ka horaysa, Xukuumaddana waa xukuumada kaliya ee soo dhawaysay, kana jawaabtay tabashadii loo gudbiyay, inta dhimana waa laga sugayaa, waanan salaamayaa Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Somaliland,” sidaas waxa yidhi Axmed Xuseen oo ka mid ah dhalinyarada reer Boorama.
“Waa maqaar-saar talaabo walba oo la qaaday hadda, wixii laga sugayay ma aha, waxase yaableh in uu Madaxwaynuhu yidhi anaa korodhsaday idinkuna intan qaata, sidaas ma ahayn waxa laga sugayay, waxa ay ahayd in uu cadaalad wax u qaybiyo, imikase waxa uu sii kordhiyay faraqii u dhaxeeyay saamiga ee markii horaba laga cabanayay,” Sidaana waxa yidhi nin dhalinyaro oo ka mid ah shacabka Boorama, magaciisa ku sheegay Axmed Yuusuf.
Haweeya Yaasiin Guddi, ayaa iyaduna qabta, “Madaxwayne Siilaanyo wax uu soo kordhiyay ma jirto, waa midi-midi ku taag uun arrintu, wax walba oo talaabo ah oo uu qaaday ma aha mid ka tarjumaysa tabashadii miiska loo saaray.”
“Waan soo dhawaynayaa isku shaandhayntan, waan hambalyaynayaa xukuumada iyo inta la magacaabayba, inta xilka laga qaadayna waxa aan leeyahay xilku waa meerto,” sidaana waxa yidhi nin dhalinyaro oo la idhaado Cabdinaasir Maxamed Cismaan oo wariyuhu wax ka weydiiyey sida uu u arko isku-shaandheynta madaxweynuhu ku sameeyey golihiisa xukuumadda.
“Madaxweyne Siilaanyana maanta dawlad salbalaadh ah ayuu magacaabay waqti ay bilo uga hadhsan tahay muddadii la doortay, waxaana ay aniga taasi i tusaysaa in uu Kulmiye damacsan yahay in uu kursiga isku sii dhajiyo inta ay la gaadhaba, waxaanse la yaabanahay hay’adahan iyo la taliyayaashan iyo wasiir ku xigeenadan badan ee maanta la magacaabay xaggee miisaaniyad looga helayaa, mar haddii miisaaniyadii la ansixiyay oo baarlamaankaba ay dhaaftay,” sidaasna waxa qabtay gabadh dhalinyaro ah oo magaceeda ku sheegtay Nasra Xaamud Axmed.
Dhinaca kale, Wariye Cabdikariim Muxumed Cadde oo ka tirsan Suxufiyiinta ka hawl-gala warbaahinta madaxa-bannaan ee gobolka Gabiley, ayaa warbixin kooban oo xambaarsan dareen shacabka degmada Gabiley qaarkood ka diyaariyey Isku-shaandheynta madaxweyne Siilaanyo.
Aadan-Weli oo ka tirsan Dhalinyarada gobolka Gabiley oo wariyuhu wax ka weydiiyey aragtidiisa ku aaddan isku-shaan-dheynta Madaxweynaha, ayaa yidhi, “Madaxweynuhu kolley isagaa xaq u leh oo waxna beddela, waxna magacaaba, taasina waa Sunnihiisa. Wali dadka uma dhan-dhamayso Wasiir Samaale ayuu beddelay oo Samsam baa lagu beddelay iyo Samsam baa la beddelay iyo Samaalaa lagu beddelay, Laakiin waxa micno yeelanaysa Xirsi buu ka qaaday wasaaradda Madaxtooyada oo wuxuu geeyey Wershadaha, Duulista iyo Hawada ayuu ka qaaday oo wuxuu geeyey dib-u-dejinta.”
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Wasiir Samaale wax badan buu qabtay taariikhdaana xusi doonto, immikana waxaan filayaa inuu sii wanaajin doono Waxbarashada loo beddeelay. Wasiir Samsam-na, in kasta oo wasaaraddii waxbarashadu ka hawl-badneyd, waxaan filayaa inay maaliyadda uga soo dhalaali doonto siday waxbarashada kor ugu qaadday.”
“Waxaan halkan hambalyo uga dirayaa wasiirka cusub ee Maaliyadda Samsam Cabdi Axmed iyo wasiirka Cusub ee Waxbarashada Cabdicasiis Samaale oo wax badan u soo qabtay dalka, taariikhduna xusi doonto,” sidaasna waxa yidhi Xasan Dayib oo isagaha Wariyuhu kula kulmay magaalada Gabiley.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment