Hargeysa (Himilo)-Wasiirka Arimaha Guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo dawlada Soomaaliya ku eedeeyey inay carqaladanayso wada-haddaladii u socday labada Dal, daadifeeyeyna xubnaha ergeda Soomaaliya ee ka soo jeeda dhalasho ahaan Somaliland oo uu ku sheegay inay yihiin calooshooda u shaqeystayaal.
Wasiirka oo warbaahinta ugu waramay xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa waxa uu yidhi:- “Waxa wax lala yaabo ah halkii laga sugayey inay soo diraan dad Soomaaliya wax u goyn kara oo inala hadli kara ayey soo direen dad ka soo jeeda Somaliland oo ku abtirsanaya, balse aynu u naqaano inay sida caalamka loogu shaqo tago ugu shaqo tageen, oo aanay matali Karin halka ay ka soo jeedaan” wasiir warancadde mar uu ka hadlayey wada-hadalada aan cagaha adag ku taagnayn ee dalka turkiga dhexdhexaadinayey waxa uu yidhi “Wax laga filiyey may ahayn inay soo diraan shaqaale ka shaqaysta dalkaas oo magangelyo ku jooga inay yidhaahdaan wayna matalayaan, arrin la aqbali karo maaha, waxayna muujinaysaa inaanay Soomaaliya diyaar u ahayn in ay Somaliland la hadasho oo ay dhawr jeer carqaladaysay wadahadalada”
Waxaana uu wasiirku sheegay inay somaliland soo dhawaynayso wada-hadalada Somaliya isla markaana ay ka soo horjeedaan wax walba oo carqaladayna wada-hadalada labada dal
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa maamulka Somaliya ugu baaqay inay soo dirsadaan dad u matala wada-hadalad oo ka soo jeeda soomaalidii talyaanigu gumaysan jiray.
Dawlada Soomaaliya ayaa ilaa markii ay bilaabmeen wada-hadlada ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ku kacday waxyaabo burbur ku keeni kara habsami u socdka wada-hadalada labada dhinac iyadoo jabisay qodobo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen maamulka hawadu.
Si kastaba ha ahaatee, wada-hadalada labada dhinac ayaa hakad ku yimid ka dib markii ay Soomaaliya soo xuleen ergooyin ka soo jeeda deegaanada Somaliland, waxaana muuqata inay burburaan wada-hadaladii, oo muddooyinkii u danbeeyey u socday si habacsanaan ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment