Sunday, May 10, 2015

30 Maxbuus iyo 10 Askari oo ku dhintay Xabsi ku yaalla Ciraaq

Al-Khaalis, 10 May , 2015-(Himilo)- Ugu yaraan 30 Maxbuus iyo 10 Askari oo ilaalo ka aheyd Xabsi ku yaalla waddanka Ciraaq, ayaa dhintay, halka in ka badan 50 Maxbuusna ay baxsadeen, ka dib markii uu qalalaase ka bilaabmay Xabsiga ay ku xidhnaayeen oo ku yaallay meel lagu magacaabo Al-Khaalis oo ku taalla Waqooyiga-Bari ee Caasimadda Baqdaad.
CIRAAQSaraakiisha Ciidanka Xabsiyada ee Ciraaq, ayaa sheegaya in xilliga ay Maxaabiistu baxsanayeen uu Xabsiga ka socday qalalaase, iyaagoo isku dayay in ay qabsadaan hub, ka dibna ay u suuragashay inay jabsadaan Xabsiga Koox hubaysani oo weerar ku soo qaadday Xabsigaas Sabtidii shalay.
Hase-yeeshee warar kale oo laga helayo deegaankaas, ayaa sheegaya in baxsiga Maxaabiistu yimi ka dib markii ay Malleeshiyo ka tirsan Kooxda Dowladda Islaamiga ah ee Daacish ay weerrareen Xabsigaas, weerarkaas oo ay ku doonayeen inay ku soo daayaan Asxaab halkaa Maxaabiis ahaan loogaga haystay oo Xabsigaas ku xidhnaa.
Rasaasta ay is-waydaarsanayeen Kooxda hubaysan ee Xabsiga soo weerartay iyo ilaalada Xabsigaas Al-Khaalis, ayaa sababtay inay dhintaan ugu yaraan 30 Maxbuus iyo 10 Askari oo ka tirsanaa ilaalada Xabsiga, halka ay tiro kale ka dhaawacantay, isla markaana ay Malleeshiyada Daacish ku guulaysteen in ay furtaan oo ay baxsadaan illaa Konton Maxbuus oo Xabsigaas ku jiray.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment