Cumar Cabdirashiid, ayaa shalay Baarlamanka federaalka ka hor akhriyay qorshe hawleedka Xukuumaddiisa oo faahfaahsan ka dib markii ay sidaasi codsadeen Guddiga joogtada ah ee Baarlamanka. Ra'isul-wasaaraha, ayaa ballan-qaaday markii Xukuumaddiisa la ansixanayay bilawgii sannadkan in uu Baarlamanka horkeeni doono qorshaha uu ku waajahayo xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee waddanka waqtiga dawladdan uga hadhsan jiraataankeeda oo ku eg bisha Augast 2016-ka.“Amnigu waa ahmiydda koowaad ee Xukuumadda; haddii aanu amaan jirin, dawladnimo ma jiri karto. Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, cadowga Al-shabaab waxay muujiyeen ficillo waxashnimo ah, iyagoo laba jibaaray gumaadka Shacabka Soomaaliyeed. Waxa socda tabobbar ay qaadanayaan Ciidammo Kamaandoos ah, kuwaasoo ka hawlgali doona goobaha codowgu kaga sugan yihiin dalka. Tabobbarka iyo taakuleynta Ciidankaas waxa iska kaashanaya dawladda iyo saaxiibbadeenna caalamka.” Sidaa ayuu yidhi Cumar Cabdirashiid.
Waxa uu Raysal-wasaaraha oo ka haldaya nidaamka Federaalka Soomaaliya sida uu u socdo yidhi; "Federaaleynta dalka, waxaan ku farax-sanahay inuu furmay, isla markaana si habsami leh u socdo shirka maamul-u-sameynta gobollada dhexe oo magaalada Cadaado ka furmay 16-kii Abriil, waxaa haatan heer gebogabo ah maraya xulista Odayaasha dhaqanka ee beelaha, kuwaasoo iyana soo xuli doona ergo ansixisa Dastuurka Maamulkaas, ka dibna Xildhibaannada soo xuli doona, kuwaasoo ka dibna dooran doona Guddoon, Madaxweyne iyo Ku-xigeenno.”
Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid, ayaa khudbadda uu Baarlamanka ka jeediyay ku sheegay in muddadii seddexda bilood ahayd ee la soo dhaafay ay Xukuumaddiisu wax ka qabtay dhinacyo ay ka mid yihiin amniga, diyaarinta sharciyo dhawr ah iyo dhismaha Guddiyo muhiim u ah hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya.
Shalay waxa Ciidammo la dhoobay inta u dhaxaysa Madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo dhismaha Aqalka Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho, waxaana aad loo adkeeyey Ammaanka dhismaha Baarlamaanka, iyadoo la xidhay dhammaan waddooyinka gala dhismahaas, waxaana Gawaadhida dadweynaha loo duway waddooyin kale inay isticmaalaan muddada uu Raysal-wasaaruhu ku sugan yahay gudaha Baarlamaanka.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment