London, 07 May, 2015-(Himilo)- Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee waddanka Britain, ayaa samaynaya isku daygii ugu dambeeyay ee ay ku doonayaan in ay ku kasbadaan Cod-bixiyeyaasha, iyada oo lagu jiray shalay maalintii ugu dambaysay ee ololaha doorashada madaxtinnimada ee dalkaas.
Ra’yasal-wasaaraha Britain David Cameron, ayaa ballan-qaadaya in Boqortooyada Britain uu cagta u saari doono waddadii mustaqbalka wanaagsan haddii uu ku guulaysto oo ay dadka reer Britain codkooda ku soo doortaan markii labaad doorashada bishan ka dhacaysa dalkiisa.
[gallery ids="19009,19008"]
Hoggaamiyaha Xisbiga Labar-ka Ed Miliband, ayaa isna ballan-qaaday in haddii la doorto uu soo dhisi doono dawlad mudnaanta koowaad siisa dadka shaqeeya. Hoggaamiyaha Xisbiga Liberal Democrats Nick Glegg, ayaa dhinaciisa sheegaya in uu soo celin doono xasillooni iyo anshaxa ama sharafta Britain.
Ra'yi-uruurin la sameeyey illaa iyo immika waxa ay muujinaysaa in aanu jiri doonin Xisbi si toos ah ugu gulaysan doona doorashada, taasoo micnaheedu yahay in loo baahan doono Axsaab sameysata is bahaysi doorashada ka dib.
Weriyaha BBC-da ee arrimaha Siyaasada James Landale, ayaa sheegaya in Shirkadaha sameeye ra'yi-uruurinta, Siyaasiyiinta iyo Warbaahintu-ba ay la halgamayaan sidii tafaasiil ama ay fasiraad uga bixin lahayeen qaabka laga yaabo in ay u dhacdo doorashadu, waxaanu intaasi raacinayaa in intooda badan ay haatan diiradda saarayaan waxa dhici doona natiijada doorashada ka dib.
Arrimaha ugu waaweyn ee la isku hayo waxa ka mid ah Dhaqaalaha, Caafimaadka, Dadka Soo-galootiga ah ee waddanka Ingiriiska ku qulqulaya, Kharashaadka la siiyo dadka qaxoontinnimada ku gala dalkaas ee caydha loo yaqaanno iyo weliba Waxbarashada.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment