Thursday, May 7, 2015

Weftiga dawladda ee Nabadaynta Beelaha Taleex oo kormeeray Fadhiisimmada Ciidammada Qaranka iyo Qalcadda Taariikhiga ah

Taleex, 07 May, 2015-(Himilo)- Wefti isugu jira Masuuliyiin laamaha kala duwan ee dawladda ka kooban oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac iyo Maamulka gobolka Xaysimo iyo ka degmada Taleex, ayaa kormeer ku tegay fadhiisimmada Ciidammada Qaranka ee gurmadka dejinta shaqaaqo laba Beelood ku dhex-martay Taleex u tegay halkaas, kuwaasoo ay ku ammaaneen Sharaf iyo Xil-gudasho inay muujiyeen.
QALCADDA TALEEX EE TAARIIKHIGA AHWeftigan ayaa sidoo kale booqday Qalcadda Taariikhiga ah ee ku taalla degmada Taleex, taasoo la dhisay Qarni iyo Rubuc qarni ka hor, isla markaana fadhiisin u ahaan jirtay Ciidammadii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdalle Xasan oo Ciidammadii Boqortooyada Britain la dagaallamayey wakhtigii Ingiriisku ka talinayey Somaliland, waxaanay sheegeen inay meel fiican u marayso hawsha nabadaynta ee ay u tageen gobolka Xaysimo oo ay laba Beelood oo walaalo ahi ku dirireen dhawaan, isla markaana khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jiraba isugu geysteen, kuwaasoo ay Ciidammada Qaranku kala dhex-galeen.
Markii ay Weftigu gaadheen fadhiisimada Ciidammada Qaranka ee gaadhay Gaashaanle Sare Cali Barre Xuseen, waxay halkaa Salaan-sharaf kaga qaateen Ciidammada, waxaanay warbixin ka dhegaysteen Taliyaha Aagga Bariga Ciidammada Qaranka Somaliland Gaashaanle Sare Cali Barre Xuseen oo yidhi; “Ciidankan u soo gurmaday Shaqaaqadii Taleex ka dhacday, gurmadka oo keliya maaha ee waa Ciidan u amran wakhtiga uu amar ku helo inuu xaqiijiyo nabadda, hadafka iyo madax-bannaanida dalku uu leeyahay, ku dhaqanka iyo ilaalinta Shuruucda Ciidan iyo Sharciyada uu dalku leeyahay.”
Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah Weftiga, ayaa sheegay inay Ciidanku ku guulaysteen ujeeddadii Gurmad ee ay Taleex u tageen, waxaanu yidhi; “Waxaannu ku faraxsannahay inaannu aragno Ciidankii Qaranka ee Somaliland oo jooga taleex, isagoo leh laba ujeeddo oo kala ah, dhibaatooyinka ka dhex-dhacday deegaankan aynu joogno in Ciidanka Qaranku wax ka qabto maaddaama oo uu Ciidanku yahay mid u heegan ah Danaha Qaranka Somaliland, waanad ku guulaysateen, waxaanannu rejaynaynaa inay dhammaato. Qodobka labaad oo ah sugidda nabadgelyada dadka iyo deegaanka.”
Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay Ciidanka Qaranka ku ammaanayaan sida ay sharaftooda u ilaaliyeen, dadkoodana ugu soo gurmadeen, waxaanu yidhi; “Waxaad u timaaddeen dadkiinnii oo aad u soo gurmateen, waxay dadka Taleex dareemeen intooda badan nin ujeeddo ama dan gaar ah leh mooyaane inay cid kale oo u soo gurmada waayeen dawladda Somaliland iyo Ciidankeeda Qaranka oo u soo hiiliyey mooyaane.”
“Waxaannu idinku bogaadinaynaa sida xilkasnimada leh ee hawshiinna u qabsateen, deegaankana waxaan ammaan ahayn oo cabasho ah oo Ciidanka laga sheeganayo kumaannaan arag. Waxaannu idiinku mahad-naqaynaa sida aad Sharafta iyo dhishibiliinka u ilaaliseen, sida aad u kala amar-qaadataan iyo sida aad waajibkiinna u gudanaysaan ee aad u garateen inaad soo kala gaadhaan dadkiinna diriray.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac.
Waxay Weftigu markaas ka dib Kormeer ku tegeen Qalcadda Taariikhiga ah ee magaalada Taleex, halkaas oo uu Maayerka magaalada Taleex ugaga warbixiyey taariikhda qalcaddaas oo la dhisay Qarni iyo Rubuc ka hor una dhiganta boqol iyo 25 sannadood xilligii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan dalka kula dagaallamayey Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska oo markaa dhulka Somaliland ka talinaysay.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment