
Sidoo kale Ed Miliband ayaa la shegay in uu weji gabax kala kulmey Scotland oo hore si weyn xisbigiisa looga soo dooran jirey, waxaana uu fariin u direy dhamaan Xildhibaanadii xisbiga shaqaalaha ee looga guuleystey Scotland, isaga oo ku tilmaamey habeen qadhaadh.
Dhanka kale Waxaa Casilaad ku Dhawaaqay Hoggaamiyayaasha saddex Xisbi oo aad loo saadaalinayay in ay helayaan Codad badan waxaana Markii Ay qasaareen Sadaxdaas Xisbi hogaamiyayaashooda ku Dhawaaqeen in ay shaqada ka tagen.
Hoggaamiyayaasha Iscasilay kala ah Xisbi Xisbiga Shaqaalaha oo hogaamiyo Ed Miliband oo rajeenayey in uu Noqdo Ra’isul wasaaraha Dalka Britain iyo Xisbiga Liberal Democrat ee uu hoggaamiyo Nick Cleg iyo Xisbiga UKIP oo hogaamiyo Nigel Farage.
Ugu Danbayntii Guusha Xisbiga Conservative party ayaa la aaminsan yahay in ay timid kadib markii ay isbedeleen taaageerayaashii UKIP, kuwaas oo u arkey in ay codadkooda khasaarinayaan fursadna siinayaan Xisbiyada dhanka bidixda, waxaana la aaminsan ahay in Conservative party codad badan sidaas ku heleen maadaama ay doorashada ku galeen in a dadka British-ka fursad sinayaan in ay ka baxaan Midowga Yurub iyo in ay ku si jiraan oo sanadka 2017 la qaadi doono afti, waana asaasiyaadka UKIP u ku dhisnaa.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment