Warkan oo ay baahisay Waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa intaas ku daray in ujeedaddu tahay sidii loo hakin lahaa Xawaaraha daacish ku gelayso Gudaha Waddanka Syria oo ay Muddooyinkii ugu dambeeyey ka fulinayeen Dilal qorshaysan.Qorshaha lagu tababarayo maleeshiyaadkan ayuu Maraykanku ku sheegay inay tahay in la helo awood ka madaxbanaan dawlada Syria oo la dagaalami karta ururka Daacish waxaana warkan intaa ku darayaa in la tababari doono 15,000 oo dagaalame.
Dawladda Syria oo iyadu aan xidhiidh fiican la lahayn dalka Maraykanka, ayaan wali wax war ah arrintan kasoo saarin, waxase la filayaa inaanay ka xumayn abuuritaanka Awoodaha lagaga hortegayo Xoogagga Daacish oo ammaanka Khalkhal kusii ridaya.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment