Erey-bixinta magaca Xubnaha Golayaasha Baarlamaanka ee Shacabka matala ayaa marka ay kuraasta ku fadhiistaan ku kala sifooba labadan Erey-bixinood ee kala ah; XIL-DHIBAANO iyo XIL-DHIBEENO. Haddii aynu hoos ugu sii daadagno XIDH-DHIBAANO waa xil-dhibayaal, aanan fahamsanayn masuuliyada kuraasta ay ku fadhiyaan iyo Danaha Shacabka ay matalaan iyo waliba ta Qaranka guud ahaan. Waxay ugu dhan tahay oo kaliya xildhibaan ayaan ahay. Sidoo kale, waxay mar walba ku taagan yihiin carqaladaynta habsami u socodka dawladnimo. Ereyga kale XIL-DHIBEEN, waa xil-dhibeeno oo waxaa dhibaya xilka ay ummada iyo qaranka u qaadeen; taas ayayna ka hor mariyaan danahooga gaarka ah, mar kastana waxay ku hawlan yihiin sidii ay u gudan lahaayeen Masuuliyadaha iyo Waajibaadada ay tunka ku qaadeen, masaaliixda iyo danaha Qaran iyo dadkii soo doortay sidii ay ugu shaqayn lahaayeen. Sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadka shaqo ee uu u xalaaleeyey dastuurka qaran islamarkaana ay ka fogaan lahaayeen wixii ka hor imanaaya xeerarka iyo shuruucda dalka u yaala.
Haddaba, Golaha Guurtida oo taariikh fac weyn ku leh dalkeena laga soo bilaabo sagaashamaadkii illaa hadda, ayna yihiin Odayaal mudakar ah oo runtii ah kuwa aynu maanta cid walba dheer nahay, waxaana laga dheehan karaa Dar-daaarankii uu shalay golihiisa siiyey Odayga ruug-cadaaga ah guddoomiye Saleebaan Nuur. Dhinaca kale , taariikhdooda iyo muddadaa waxay qarankan usoo qabteena aan hore wax ugasoo qoray iyada oo aan qalin lagu soo koobi Karin. Maanta waxaan leeyahay oo kaliya Odayada Guurtidu waa XIL-DHIBEENO ee ma’aha XIL-DHIBAANO. Waajibaadkooda shaqo iyo masuuliyadaha uu sharciga dalku u xalaaleeyey gudashadeeda iyaga ayaa u xaq leh cid ka hor istaagi kartaana majirto cid wax kale u yeedhin kartaana hadalkeedaba daa…. Arrintan hadda sugaysaana hore ayay tan iyo mid lamid ahba usoo xaliyeen oo ay usoo guteen illeen waa shaqadoodiiye.
Gabagabadii, ALLE {SW} ayaa mahadleh marka labaad waxaan u mahad celinayaa Golahaa Guurtida ee Xil-dhibeenada ah, ee amin walba u taagan adeega ummadooda iyo qarankooda, khilaaf kasta oo yimaadana xaliya, marlabaad issue gan maanta horyaalana waxaan ka rajaynayaa inay u gutaan sida ugu haboon ee danta qaranku ku jirto, sidii ay horeba usoo yeeli jireen. Anaga shacab ahaan waxaanu ku qabnaa KALSOONI WEYN, wixii gacantooda ku jirana kama warwarno .
Wabillahi tawfiq
Cabdirasaaq Askar
Hargeisa,Somaliland
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment