Saturday, May 9, 2015

Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi oo Maanta Guurtida u gudbinaya muddo sannad ka badan oo ay isla qaateen in Madaxtooyada loo kordhiyo

 

Hargeysa, 09 May, 2015-(Himilo)- Masuuliyiinta Saddexda Xisbi ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE, ayaa isla qaatay qorshe lagu kaabay muddada sannadka ahayd ee Guddiga doorashooyinka Qaranku sheegeen inay dib u dhacayso doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, isla markaana saaka wada sexeexaya Qoraal ay si rasmi ah ugu gudbinayaan Guddiga Golaha Guurtidu u xulay ka soo talo-bixinta wakhtiga muddo-kordhinta, qoraalkaas oo lagu caddaynayo inay Xisbiyadu isla qaateen in doorashada dib loo dhigo illaa 15-ka bisha 11-aad ee sannadka soo socda ee 2016-ka.

Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda Somaliland ee UCID, WADDANI, KULMIYE iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida, ayaa kulan gaar ah oo ay gelinkii hore ee Jimcihii shalay ku wada yeesheen magaalada Hargeysa, la sheegay inay iskula qaateen in muddada muddo-kordhinta loo sameynayo Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee wakhtigooda sharciga ahi ku dhammaanayo 26-ka June 2015-ka loo kordhiiyo muddo sannad iyo lix bilood ku siman, halkii ay markii hore hoggaamiyeyaasha Mucaaradku taageersanaayeen inaan waxba lagu darin muddada sannadka ah ee ay Guddiga doorashooyinku sheegeen inay ku qaban karaan doorashada isa-saarka ah ee Madaxtooyada iyo Wakiillada.

Ma jirto wax faahfaahin ah oo ay labada dhinac ee Guurtida iyo Xisbiyadu ka soo saareen arrintan, hase-yeeshee, sida ay Warar Xog-ogaal ahi u xaqiijiyeen Wargeyska Himilo, waxa kulankaa shalay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada, Xubno weheliyey iyo Guddoomiyaha Guurtidu yeesheen la iskula qaatay qorshahaas lagu kaabay muddada hore ay isula qaateen Xisbiyada iyo Komishanku, Madaxweynuhuna Guurtida ugu gudbiyey Digreetada in lagu kaabo wakhti lix bilood ah, ka dib markii sida la sheegay la isla eegay duruufaha caqabadda ku ah qabsoomidda doorashada ee dhammaystirka u baahan iyo muddada sannadka ah ee la haysto, la islana xaqiiqsaday inay caddahay inaanay suuragal ahayn in sannadkaa lagu qaban karo doorashooyinka farsamo ahaan marka loo eego, sida ay wararku sheegeen.

Masuuliyiinta Xisbiyada oo si aannu warkan wax uga weydiinno uu Wargeyska Himilo xalay xidhiidh la sameeyey, ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin naga siiyaan warkaas, balse waxay Ila-wareedyadan uu Wargeyska Himilo soo xigtay intaas ku dareen in la isla qaatay in Masuuliyiinta saddexda Xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, toddobada subaxnimo ee Sabtida Saaka si wada-jir ah u qoraan qoraal ay ku caddaynayaan wakhtiga ay isla qaateen Guddoonka Guurtida.

Qoraalkaas ayuu Warku sheegay in isla tobanka Subaxnimo ee Saaka u gudbin doonaan Guddiga ka soo talo-bixinta wakhtiga muddo-kordhinta Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada loo samaynayo ee Golaha Guurtida si muddo-kordhinta ay samaynayaan u waafajiyaan wakhtigan la sheegay inay Guddoomiyaha Guurtida iyo Hoggaanka Saddexda Xisbi Qaran isla qaateen, sidoo kalena la sheegay in Madaxweynaha Somaliland dhankiisa lagu war-geliyey qorshahan cusub oo uu ku raacay sida warku tibaaxay.

Guddiga muddo-kordhinta ka talo-bixinteeda ee Guurtida oo Salaasadii iyo Arbacadii toddobaadkii inna dhaafay kulammo gooni gooni ah la yeeshay  Masuuliyiinta Saddexda Xisbi iyo Guddiga doorashooyinka, ayaa la filayey sida qorshuhu ahaa inay warbixintooda kulammadaas waxa ka soo baxay iyo talo-bixintooda-ba u gudbiyaan Gole-weynaha Guurtida Maanta ahaan, si ka dib Goluhu cod u geliyo, isla markaana u ansixiyo soo-jeedinta Guddiga talo-bixinta.

Sidaa awgeed, waxa la filayaa in Fadhiga Golaha Odayaasha Somaliland ee Sabtida maanta lagu dhammaystiro talo-soojeedinta, Guddiga, go’aanka saddexda Xisbi iyo Guddoonka Guurtida, Qoraalkii Madaxweynuhu hore ugu gudbiyey Guurtida ee la xidhiidhay muddo-kordhinta-ba la is-waafajiyo, isla markaana si toosa ay ugu codeeyaan Mudanayaasha Guurtidu go’aanka Sharciyey ay xaq u leeyihiin ee ay ka qaadanayaan muddo-kordhinta loo samaynayo Madaxweynaha, Ku-xigeenkiisa iyo Golaha Wakiillada oo xilligoodu ku dhammaanayo 26 June 2015, iyada oo ay dhici karto in codaynta wakhtigu Axadda Berri u dhici karto, haddana waxa lagu rejo weyn yahay in Sabtida maanta la is-raaciyo hawshaas.

Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland oo iyagu bishii hore cayimay wakhtiga ay farsamo ahaan qaban karaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada, ayaa la sheegay in aanay Guddi ahaan waxba ka qabin wixii ay isla-gartaan Guurtida iyo Xisbiyadu, isla markaana dhinacooda ka dedaalayaan sidii ay u wakhtiyeyn lahaayeen doorashada haddii xilli ka duwan ka ay hore u cayimeen laga dhigo muddo-kordhinta. Sidaa awgeed, la filayaa inay Komishankuna wakhtiga qabashada doorashooyinka waafajin doonaan muddada la filayo inay Guurtidu sharciyeyso ee ay isla qaateen Xisbiyada iyo Guddoomiyaha Guurtida Somaliland.

Beesha caalamka ee nidaamka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka ka caawiya Somaliland, ayaa dhawr jeer ka digey in muddada sannadka ah ee Guddiga doorashooyinku u cayimeen in doorashada ay ku qaban karaan uun ay Golaha Guurtidu waafajiyaan muddada ay u kordhinayaan xil-haynta Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Somaliland, haddii Guurtidu go’aankaas Komishanka buriyaan-na ay weji-gabax, sumcad-darro iyo kalsooni la’aan ku abuuri doonto Beesha caalamka marka loo eego kalsoonida ay marka hore ka qabeen.

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment