Friday, May 8, 2015

Taariikhda Dagaal ee Xabashida iyo Soomaalida

Inta lagu hayo taariikh qoran soomaalidda iyo xabashiddu waxay dagaalameen ilaa shan goor oo waaweyn, oo kala ah:
a) sanadkii 1529
b) sanadkii 1900
c) sanadkii 1964
d) sanadkii 1977
e) sanadkii 2006

=sanadii 1529 waxa dhacay in ciidamo tiradoodu gaadhayso 68,000 oo Imaam Axmed Ibrahim Allqasi (axmed gurey ) hogaaminayo ayaa weerar balaadhan ku qaaday xaruntii boqorkii xabashida oo ku taala Banbiya oo ku taala meel u dhaw harada Taana. labadaa ciidan way kala badnaayeen ciidanka xabashidu waxa uu ahaa 16,000 oo fardoolay ah iyo 200,000 oo lug ah ama afanteri, Halka ciidanka Axmed guray ahaa 560 fardoolay ah iyo 12000 lug ama afanteri, dabcan waad garan kartaa baaxada ciidanka ee boqorka xabashida ay lahayd. waxba yaan hadal kugu daaline waxa bilaabantay dagaal qadhaadh oo faraha lagaga gubtay, waxaana u suurtagashay Axmed guray inuu dagaalka ku guulaysto oo ciidanka awooda badnaa la jabiyo, waana markii u horraysay ee muslimiinta geeska afrika guul dagaal ku naaloodaan.

Waxa xusid muddan in isla dagaalkaa qudha lagaga jaray boqorkii xabshida u talinayay oo magaciisa la dhan jiray Galawdiyuus .oo laga qabsaday xaruntiisa oo ahayd buur dusheeda, waxaana la soo qaaday cashrigisii iyo gogoshii uu ku seexan jiray intii u dhaxaysay 1529-1535 kii waa muddo 7 sanno ah ayuu Axmed guray dhulka xabashida intiisa badan qabsaday .qaar ka mid ah dagaaladaas wuxuu Axmed guray qaadi jiray weeraro xidhiidh ah waxay taariikhdu sheegtay in Axmed guray weerarada qaadi jiray goor habeen badh ah iyo waabariga taasina ay sababtay in colkii xabashida oo hillib iyo cuntaba karsaday ay ka carari jireen, markii dambena, xabshidu ay bilaabeen in ay cunaan hillib qaydhiin ah. taaso ilaa maanta ka muuqata dhaqanka xabashida .haddii si kale aynu u dhigno, Axmed guray wuxuu ahaa ninkii ku qasbay xabashida in ay cunaan hillib qaydhiin ah.
Waxa caqiido diineed u ah gaalada inay ilaaliyaan dawladaha gaalada ah ee ku nool adduunyada, si aanay muslimiintu uga awood badan. sanadkii 1543 ayaa ciidamo ka tirsan bortuqiiska oo ku hubaysan qoryo casri ah oo aanu Axmed guray haysan, ayaa weerar ku qaaday. ka dibna waxa u suurtagashay ciidamadaasi inay dilaan Axmed guray, meesha la yidhaa Waydaga oo ku taala agagaarka harada Taana .
Taasi waxay hakad galisay duulaankii muslinmiintu ku qaadi jireen colka xabashida dilka Axmed guray wuxuu soo nooleeyey niyadii xabashida ee uu jabiyay dagaaladii hore, ciidamadii Axmed guray waxa ay dib ugu soo gurteen dhulkii ay soomaalidu daganayd .
Dabcan dilkii Axmed muu keenin jabweyn, balse muslinminta waxa hogaanka u qabtay nin la odhan jiray Nuur mujaahid oo halganka halkii ka sii waday.
Aakhirkiina wuxuu qaaday weerar rogaal celin ah wuxuuna ku guulaystay inuu u soo aaro oo uu soo dilo boqorkii xabashida ee xilligaa talinayay.

=Sanadkii 1900kii ayaa ciidan aad u fara badan oo fardoolay ah uu hogaminaayo Sayid Maxamed Cabdile Xasan ayaa weerar ku qaaday magaalada Jigjiga oo ay fadhiisin ku lahaayeen ciidan u daacad ah xabashida ,jugtii hore waxa gacan sareeyey fardoolaydii Sayidka oo gebi ahaanba gacan ku haynta magaalada la wareegay intaas ka dibna waxay dhanka galbeed u dhaafeen buuraha kaaramardha, oo dhawr tuulo ayay gacanta mariyeen.
Dagaalkani waxa uu af kala qaad ku noqday boqorki xabashida, oo warkii dagaalku gaadhay, kadibna waxay soo qaadeen weerar rogaalcelin ah oo ay ku doonayeen inay ku qabsadaan magaalada jigjiga iyo tuulooyinka laxidhiidha.
Dagaal aan waxba layskula hadhin ayaa ka dhacay galbeedka jigjiga, oo in maalmo ah socday, markale ayaa colkii sayidku guul gaadhay oo jab iyo hoog u gaystay xabashida
Sida aynu hore u soo sheegnay waddamada gaalada, waxa markasta u hiiliya waddamo gaalo ah oo xoog ciidan leh
Dabayaaqadii 1901 ciidamadii Sayidka oo guulo ku naaloonaya waxa weerar dhabar jab ah ku qaaday ciidamado ingiris ah oo saldhigoodu ahaa yemen, kadibna waxay dagaal la galeen ciidamadii ingiriska oo ku hubaysan hub casri ah.
Gari laba nin kama wada qoslisee waxa dagaalkii lagaga adkaaday ciidankii Sayidka firxadkii Sayidka iyo intii ka soo hadhay ciidankiisa waxay ku laabteen xaruntiisii Taleex ee gobolka Sool.
Sanadkii 1964 ayay ciidamo xabashi ah oo ka amar qaata boqorkii Xaylasalasa, waxay weerar ku qaadeen dhulka soomaalidu dagto ‘min Doolaw ilaa Togwajaale “
Dawlada soomaalidu waxay ahayd dawlad taag daran, sababta oo ah waxay xor ahayd 4 sano oo kaliya oo xattaa ciidan awood badan may lahayn.
Halka ciidamada itoobiya waqtigaasi loogu yeedhi jiray Libaaxyada Afrika.
Dhinaca itoobiya waxa hogaanka u hayay Col.Mingiste Xayla maryam, oo waagaasi ahaa isbatoore iyo laba nin oo ku xigeen u ahaa oo la kala odhan jiray Girma iyo Alemayahu,oo darajadoodu ahayd saddex alifleh.
Dhinca soomaalida waxa dagaalkaas hogaamiyay Col.C/Laahi Yusuf Axmed General Maxamed Siyaad Bare,General Xasan Yoonis Habane,
General Maxamed Nuur Galal. Dhamaantoodna waxay ahaayeen gaashaanle hoose, oo waagii dambe ayay u dalaceen general ama gaashaanle sare.
=Horraantii February 1964 waxa si rasmi ah u bilaabmay dagaalkii ay xabashidu soo qaaday ,waxa laysku haleelay goobo dhawr ah, balse jugtii hore ee dagaalkaa cidna guul may gaadhin, bishii march dabayaaqadeedii ayaa ilaa dhawr goobood lagu jabiyay xabashida goobahaas waxa laga xusi karaa:
(a) Doolaw (b)Togwajaale (c)Feerfeer .
Markuu dagaalku halkaa marayo ayuu adduunweynihii qayliyay oo ciidankii Somalida loogu baaqay inay dib uga soo baxaan dhulka itoobiya ee ay qabsadeen. waa tii hobolada qaranku ku heesayeen “xuduuda gadaaman ee gaalku sameeyay, inaan ka gudbaynu waan garanaayay geeshkayagaw guulaysta“
Waanwaan iyo dhexdhexaadin kadib Ciidamadii somalida waxa lagu qanciyay inay ka baxaan dhulkii ay ka qabsadeen xabashida.

=Sanadkii 1977 ayuu madaxweynihii Soomaaliya arkay Itoobiya oo diciiftay dhanka awooda militeri oo Xayla salaasa aya la inqilaabay sanadkii 1974 oo Cl.Mingiste xayla maryam ayaa hogaanka la wareega .saddex sanno isagoo xukunka haya oo aan lahayn awood militeri oo xoog leh.
Ayuu General Maxamed Siyaad ku qaaday weerar ,sanadkii 1977.
Horraantii 1977 ayay ciidamada qalabka sida oo tiradoodu gaadhayso 60,000 oo askari dagaal loogu yeedhay
‘xoraynt Soomaali galbeed .” inkastoo aragtiyo kala duwan laga bixiyay sababta dagaalka loo qaaday.
Bishii labaad ee 1977 ayuu dagaalku sii kululaaday
General Maxamed Nuur Galaal Iyo Col.Maxamuud Sh.Cismaan “Cirro” ayaa hawlgalka soomaalida hogaaminayay shantii bilood ee ugu horeeyay ciidamadii soomaalidu milateri ahaan way ku guulaysteen oo ciidankii xabashida kaga xoreeyeen min Diridhaba ila Negayle. waxayna kaabiga u fadhiisteen caasimada itoobiya Adisababa .
Waxaana muddo gaaban cagta la mariyay ciidamadii ay itoobiya ku faani jirtay ee la baxay libaaxyada Afrika waxaana laga dhigay doofaar dulaysan.
Hasa ahaatee dabayaaqadii bishii afraad ee sanadkii 1977 wuxuu ruushku joojiyay nooc kasta oo kaalmo ah oo ay siin jiray soomaalidda.
Arrintani waxay caqabad weyn ku noqotay habsami u socodkii dagaalka.
Muddo yar ka dib General Siyaad ayaa gebi ahaanba xidhiidhka u jaray midawgi soofiyadka.
Arrintani waxay waji gabax ku noqotay dalweynihi midawga soofiyatka, oo waagaas ahaa quwad weyn oo laga danbeeyo, xaga militeriga Jawaabtii uu midawgu ka bixiyay arrintani waxay noqotay inuu toos ula safto dawlada Itoobiya oo taageero hub iyo shidaal tiro badan siiyo. waxaana intaasi dheeraa khubaro dhinaca militeriga ah oo la talisa hogaanka ciidamada xabashida
10.05.1977 ayuu gurmad militeri oo isagu jira cir iyo bad u fidiyay itoobiya .
Sidaasi awgeed diyaaradaha helicopterska ee dabaabadaha xambaara waxay dhabarka ciidanka soomaalida oo aan laga filayn ku daadiyeen taangiyo iyo ciidan lug ah oo isugu jira xabashi iyo kuubaan
Maalmo kooban ayaa ciidankii soomaalida laga qabsaday dhul baaxad weyn oo u dheexaya Diridhaba ila jigjiga
Iyadoo arrintani halkaa marayso waxa iyana dhinac socday, baaqyo ka yeedhaya adduunka oo laga dalbanayo in dagaalka la joojiyo .
Intii u dhaxaysay 10.15.1977 waxa socotay waan waan iyo dhexdhexaadin lagu qaboojinayo dagaalka.
Horraantii 1978 guud ahaan dhulka Soomaali Galbeed wuxuu u gacan galay ciidamada Itoobiya oo ku duuban bahda waarso.
Ka dib waxa xigtay in General Siyaad uu ku dhawaaqo in ciidamadisa uu kala baxayo gudaha Itoobiya .
Muddo yar gudahood ciidamadii Soomaaliya way ka soo dhamaadeen gudaha Itoobiya oo waa kuwii hobolada qaranku lahaa “galbeed waa la xoreeyay ee waarso ayaa gaagixisay.”

=Tariikhdu markay ahayd 24/12/2006 ayay ciidanka xabashidu oo dhawr iyo konton kun ah, oo ay hogaaminayaan general Gabre salasa iyo Gabre dile ayaa weerar cir iyo dhul ah ku soo qaaday magaalada Beledweyne waxaana isku farasaaray ciidamada maxaakiimta iyo ciidanki lugta ahaa ee xabashida
Isla bishii December 2006 ayay ciidamadii Itoobiya gaadheen magaalada Muqdisho iyagoo laamiga sii raacay ka dibna markay qabsadeen magalaada baladweyne, duulaankii dagaalka, ciidanka xabshidu waxay ku tageen cidhifka koonfureed ilaa Kenya, firxadkii ciidamadii maxakamaduhu wuxuu galay duurka iyo deegaanka miyiga si ay isugu uruursadaan, oo qaab jabhadayn ah isu abaabuleen.

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Haragaysa, Somaliland
calicoomay@hotmail.com

Raad-raac:
Colaadihii Geeska………………………….Cali Cabdi Coomay
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND

No comments:

Post a Comment