Wednesday, May 13, 2015

Hargeysa: Laba Iyo Toban Jiro Is Diley Oo Midkood La Aasay Iyo Kii Dilka Geystay Oo La Qabtay

Hargeysa, 13 May, 2015 (Himilo)- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay isla markaana xabsiga u taxaabay gacan ku dhiigle Maxamed-amiin Sayid Cabdiraxmaan, ka dib markii uu gudaha magaalada Hargeysa gaar ahaan goobta loo yaqaano Geed-goble ee waaxda Gacan-libaax uu habeen hore tooray ku dilay Marxuum Sadiiq Yuusuf Gaas, Illaahay naxariistii janno haka waraabiyee.
Dhagar qabaha dilka geystay iyo marxuumka uu diley ayaa la sheegay in labadooduba ay da yar yihiin islamarkaana aanay qaangaadhin, waxaana da’dooda lagu qiyaasay inay u dhaxeyso 11jir ilaa 13jir.
Caaqilka wiilka la dilay oo la yidhaa Caaqil Muuse Ciise Xirsi oo Wargeyska Himilo khadka taleefanka kula xidhiidhay ayaa ka xog waramay dhacdadani waxaanu yidhi:- “Waxay ahaayeen laba ciyaal ah, ka dilka geystay iyo ka la dilayba, booliska ayaana gacanta ku haya wiilka dilka geystay, balse waxaanu is aragnay laba odey oo ka mid ah odeyda wiilka wax diley, sidaa awgeedna waanu aasnay meydka wiilkii dhintay, baadhitaankii ayaana lagu gudo jiraa oo Ciidanka boolisku ayaa hawshaasi gacanta ku haya, waanu xidhan yahay wiilkii dilka geystay iyo waalidkiisiiba”.
Caaqilku waxa kaloo uu sheegay in wiilkan dilka geystay uu u dhashay degaanka Baraawe ee dalkaasi soomaaliya.
Dhinaca kalena Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo Wargeyska Himilo khadka taleefanka kula xidhiidhay ayaa dhacdadani xaqiijiyey jiritaanka dhacdadani, waxaanu ku soo koobay ciidanka booliska oo waajibkiisa gudanaya ayaa gacan ku dhiiglihii soo qabtay, waanu xidhan yahay, baadhistii ayaana socota”. Ayuu yidhi taliye Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment