Hargeysa, 14 May, 2015-(Himilo)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shaaca ka qaaday inay Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE gogol lagaga wadahadlo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo-kordhinta sannadka ka badan ee ay Golaha Guurtidu u samaysay Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, taasoo ay Xisbiyada Mucaaradka ahi qaaddaceen markii ay Guurtidu ka tallaabsatay laba heshiis oo midba wakhti dhigayey, isla markaana ay muddada xil-haynta labadaas Gole kordhiyeen min sannad iyo toban bilood oo aan la isku ogeyn.
Cabdiraxmaan-Saylici oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Hargeysa, ayaa ku dooday inaanay Xukuumaddu wax lug ah ku lahayn wakhtiga Guurtidu kordhisay ee ay tahay go’aan Golaha Guurtida oo ah Hay’adda dalka ugu sarreysaa Sharciyan u leeyahay gaadhistiisa, cid uu si gaar ah ula wadaago go’aankaasna aanu jirin.Waxa kale oo uu Saylici ku dooday inaan loo baahnayn inay Beesha caalamka ee Somaliland dhaqaalaha doorashooyinka ka taageeraa soo dhex-galaan hawsha muddo-kordhinta oo la sheegay inay meel adag iska taageen, culaysna ku saareen Madaxtooyada iyo Guurtida in go’aankaas sannadka iyo tobanka bilood ah lagu soo koobo heshiisyada dhigaya sannadka ee Guddiga doorashooyinka iyo Xisbiyadu isla gaadheen, haddii kalena lagu soo koobo go’aanka ay Xisbiyadu isla gaadheen oo dhigaya sannad, shan bilood iyo 15-cisho, balse la sheegay inay Guddoomiyaha Guurtida iyo Madaxweynaha Somaliland ku gacan-saydheen soo jeedintaas Beesha caalamka.
“Carrab iyo labadiisa daan baa is-qoonsada, khilaaf mar walba wuu abuurmi karaa, waxa haddana haddaynu ummad ahaan Somaliland nahay innoo caado ah mar walba inaynu waxeenna innagu dhammaysanno, waxaanan halkan ka iclaaminayaa Khilaafkaa Siyaasiga ah ee ka dhashay doorashooyinka iyo muddo-kordhinta, in anigoo ku hadlaya Afka Xukuumadda iyo Afka Xisbiga talada haya ee KULMIYE inaan fidinayno gogol wadahadal markaynu ka gudubno dabbaal-degga u diyaar-garawga iyo dabbaal-degga sannad-guuradeenna 24-aad ee dib u la soo noqoshada xornimada Jamhuuriyadda Somaliland oo ku beegan 18-ka bishan May.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku.
Cabdiraxmaan-Saylici oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Waxaan halkan ka caddaynayaa ummadda reer Somaliland-na u sheegaynaa guud ahaanba iyo gaar ahaan Xisbiyada Qaranka inaannu fidinayno gogol wadahadal ah oo aannu kaga wadahadlayno arrimaha khilaafka siyaasiga ah ee dhashay, diyaarna aannu u nahay inaannu ka wadahadalno, iyadoo aad ogtihiin Golaha Guurtidu Hay’adda dalka ugu sarraysa inuu yahay. Sida Dastuurkeennu dhiganayana go’aanka ay gaadhaan yahay go’aan ay iyagu gaar u leeyihiin, go’aan ay cid kale la wadaagaan ahayn, mid ay Xukuumad la wadaagaan ahayn, mid ay Xisbiyo la wadaagaan ahayn.”
Mar uu Saylici ka hadlayey waxa keenay go’aankan Guurtida waxa uu yidhi; “Laakiin-se, haddana talooyinku meeshay ka dhasheen ahaayeen mar walba iyada oo isku ujeeddo loo wada socdo, Komishanka doorashooyinku ay wakhti soo jeediyeen, Xisbiyada Qarankuna wakhti soo jeediyeen, iyaga oo go’aanka kama dambaysta ah lahaa ay soo jeediyeen wakhti, wakhtigaasina aanu ka fogeyn wakhtigii ay soo jeediyeen Xisbiyada Qaranku.”
“Sidaa daraaddeed, haddii khilaaf ka dhashayna waxaannu diyaar u nahay in laba cisho ka dib marka dabbaal-degga 18 May innaga dhammaado, labaatanka bishan oo ku beegan Arbacadaa maanta (shalay) Arbacadeeda inaannu u furi doonno wadahadal Xisbiyada Qaranka.” Sidaa ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan-Saylici.
Waxaanu intaas ku sii ladhay; “Siday doorasho u dhici lahayd marnaba annagu kamaannu werwereegin, doorashada aynu rabnaynay waxay ahayd doorasho aan Qarankan dhib ku keenin oo la helo doorasho hal qof iyo hal cod ah (One Vote One Man) oo la helo in kolka hore la xaqiijiyo Kaadhka Muwaaddinka, iyo Kaadhka Cod-bixiyeyaasha, ka cod-bixiyeyaashu weli ma bilaabmin, ka Muwaaddinkana boqolkiiba konton in ka badani way qaadatay reer Somaliland ay gacanta ku haysato. Markaa, talana lamaannaan cararayn, horena mar walba waannu ka wadahadlaynay Xisbiyada iyo daneeyayaasha doorashooyinka, beesha caalamkana waannu uga mahadin, kolba dee sidii loo jabaa loo dhutiyaaye halkii ay dani dhigto…”
Md. Saylici waxa uu sheegay in muddada Guurtidu kordhisay wax badan ahayn, isla markaana ay afar bilood oo keliya ku kordhiyeen wakhtiga ay mudda-kordhinta ka hor Xisbiyada Siyaasaddu soo jeediyeen in la kordhiyo. Madaxweyne Ku-xigeenka, ayaa sheegay in Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ka aqballay gogosha wadahadalka, isla markaana ay kulmeen, hase-yeeshee Xisbiga WADDANI aanay weli la xidhiidhin, balse waxa uu xusay inay la kulmi doonaan Masuuliyiintiisa.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment