
Guddoomiye Maxamed Kaahin waxa uu sheegay inay Guddida ku dhiirrigeliyeen inay waajibkooda ka gutaan Hawsha Hortaalla, waxana uu afkiisa u diiday inay Guddida u sheegeen wakhti ay xisbi ahaan si gaar ah u xiisaynayaan, “doorashada waxa waajibkeeda xadeeya distoorka qaranka, waxana uu uxilsaaray Hay’adaha distooriga ah ee qaranku leeyahay oo ay ugu horreeyaan Guurtida iyo Komishanka Doorashooyinku, annaguna waxau Guurtida ku nidhi xisbiga Kulmiye waxa uu aaminsan yahay dee Hay’adaha distooriga ah mid waliba inay xilkeeda gudato, annagu inaanu xilli qabanana distooriyan xaq uma lihin, laakiin waxa aanu ku talinay iyagoo ka duulaaya Arrimaha Doorashooyinka ee socda inay wakhti macquul ah oo doorashadu ay ku qabsoomi karto ay u qabtaan.” Ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.
Maxamed Kaahin oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay Haboon tahay in maanka lagu hayo culayska Doorashooyinka soo socdaa Leeyihiin, waxana uu xusay in loo baahan helitaanka Muddo lagu diyaariyo xeerkii lagu dooran lahaa Golaha Wakillada Somaliland, waxana uu yidhi,
“Doorashada imika soo socotaa waa doorasho inagu cusub oo waxa la isa saaray doorashadii Madaxtooyada iyo doorashadii Golaha Wakiillada, Waxyaabaha dhimanna waxa kamid ah Doorashadii Golaha Wakiillada lagu maamulaayey ilaa imika Golaha wakiilladu ma samaynin, Golaha Haatan joogana xeerkii lagu doortay iyo saamigii lagu qaybiyey waxa uu ahaa mid hal wakhti ah”
Himilo Media
No comments:
Post a Comment