Wednesday, May 6, 2015

Magacyada Iyo Sawirrada Afar Kamid ah Hoggaanka Kooxda Daacish Oo Maraykanku Shaaciyey Qaddarka Lacagta ah Ee Uu Ku Raadinayo

New york:May,06,2015(Himilo)-Xukuumadda waddanka Maraykanka, ayaa shaacisay abaalmarin lacageed oo ay siin doonto Afar sarkaal oo katirsan Islaamiyiinta Daacish oo loo arko awood cusub oo dilal iyo qaraxyo badan geysatay.

shrrAfartan hogaamiye oo lagu kala magacaabo Abd al-Rahman Mustafa al-Qaduli, Abu Mohammed al-Adnani, Tarkhan Tayumurazovich Batirashvili iyo Tariq Bin-al-Tahar Bin al Falih al-‘Awni al-Harzi, ayaa la sheegay in dhammaantood madaxooda la dul dhigay lacag gaadhaysa ilaa iyo $20-Million oo Dollar.

Qaduli oo hore uga tirsanaa Al-Qaacidada Ciraaq ayaa la sheegay inuu hada yahay Sarkaal sare oo ka tirsan Daacish, waxaana madaxiisa la saaray 7-milyan oo dollar.

Sidoo kale waxaa min 5-milyan oo doollar madaxoosa la saaray Adnani iyo Batirashvii, halka Harzi isna saddex milyan la siinayo cidii keenta macluumaad sahleysa in la soo qabto ama la dilo.

Adnani ayaa la sheegay inuu yahay Afhayeenka IS, halka Batirashvili lagu tilmaamay Abaanduulaha dagaalada waqooyiga Suuriya, Harzi ayaa isna la sheegay inuu madax ka yahay qeybta Is qarxinta Daacish.

Hogaamiyeyaashan ayaa ku biiraya barnaamijka abaal marinta cadaaladda Mareykanka ee horay xubno badan oo Al-Qaacida ka tirsan uu Mareykanka lacago mallaayiin doollar madaxooda dul dhigay.

Salaasadii ayay aheyd markii Daacish ay sheegatay inay ka dambeysay weerarkii ka dhacay Gobolka Texas, markii labo nin oo hubeysan ay rasaas ku fureen goob ay ku shirsanaayeen Kartuuniistayaal duleedka magaalada Dallas.

 

 

Himilo Media


 

 

 

No comments:

Post a Comment