Tuesday, May 12, 2015

Madaxdhaqameedka Beelaha Sacad Muuse Oo Taageeray Muddo Kordhinta Golaha Guurtidu U Sameeyey Xukuumada Iyo Golaha Wakiilada

Hargeysa, 12 May, 2015 (Himilo) – Salaadiinta,Boqorada,Ugaasyada Iyo Waxgaradka kale ee beel weynta Sacad Muuse ayaa taageeray go’aanka muddo kordhinta ee golaha Guurtidu u sameeyeen Xukuumada iyo Golaha Wakiilada Somaliland,waxaanay ugu baaqeen dhamaan shacabka reer Somaliland in la illaaliyo Nabadgelyada iyo Wada Jirka, iyagoo si gaar ah farriin ugu diray Axsaabta Mucaaridka ah inay Bulshada ka daayaan naxdinta iyo hadalka iyaga wax u dhimaya oo ay muddada la kordhiyay ka shaqeeyaan sidii ay dadka u kasban lahaayeen.
MADAXDHAQAMEEDKA SACAD MUUSEUgu horrayn waxa hadalka qaatay oo bilaabay Suldaan Ibraahim Sulub Nuur oo ka mid ah salaadiinta Sacad Muuse waxaanu yidhi “Maanta oo ay tahay bishii Shanaad 11-Keedii 2015-kii waxaanu aad iyo aad u soo dhawanaynaa go’aanka Golaha Guurtida Somaliland, oo Naqaskii ku taagnaa dadka ka riday, haddii aanu nahay beel weynta Sacad Muuse waxaanu taageersanahay,soona dhawaynaynaa go’aankaasi Geesinimada leh ee golaha guurtidu qaateen, muddadaasi waa in lagu wada qancaa, Xisbiyada Mucaaridka, Komishanka Qaranka, Xukuumada iyo Dadweynuhaba, waxaynu leenahay Cadaw faro badan, waana muqadas Midnimadu, Somaliland waxay inagu joogtaa qiime farobadan, waxa u soo dhintay Boqolaal Luqun dhaadheer, sidaa darteed Somaliland Mudaharaad laguma dumin karo, cid xamar ka hadashay iyo cid meel kale ka hadashay toona waxba kama qaadi karto, anaga ayaa barbar taagan, Anaga ayaa ku nool Somaliland-nimada, cid wax ka qaadi kartaa ma jirto, Cid walba tan waa laga ambabixiyay, halagu qanco ayaan leeyahay go’aanka Golaha Guurtida”.
Ugaas Maxamed Cabdilaahi Xasan ayaa isna waxa uu yidhi “waxaanu taageero u fidinaynaa go’aanka qaaliga ah ee ka soo baxay Golaha Guurtida ee ay muddada ugu kordhiyeen Xukuumada Somaliland, halgan dheer ayaa dalkan loo soo galay oo uu Illaahay inagu guuleeyay oo maanta qaran jira ayaynu nahay, markii hore komishanka doorashooyinku waxa ay cayimeen muddadii ay ku qabanayeen diwaangalinta ee ay ugu hirgalaysay ayay soo sheegeen, taasi oo ay ku qiimeeyeen muddo sanad ah, markii ku xigtay saddexda Xisbi qaran ayaa isku yimid, way wada hadleen go’aan heshiis ah ayay gaadheen, nasiib daro mid ka mid ah ayaa go’aankii ka noqday, waxa ay iyagu isla garteen shan bilood iyo shan iyo toban cisho, golihii dastuuriga ahaa ee Xaqa u lahaa ee dalkana dejiyay ee Somaliland nabadeeda halkan soo gaadhsiiyayna ahaa, ahna golaha u sarreeya dalkan ayaa markii u dambaysay xaq u yeeshay inay go’aankii rasmiga ahaa ka soo saaraan iyaguna waxay ku dareen muddo yar marka run loo dhabo galo, waxa intaasi oo dhan loo rog rogayaa in La helo muddadii diwaan galinta iyo doorashadu ku qabsoomi lahayd, wax kaw la yidhina wuu yar yahay, anagoo ku hadlayna afka beel-weynta Sacad Muuse waxaanu taageersanahay go’aankaasi u dambeeyay ee naqaskii dadka ka sii daayay ee ay soo saareenn golaha Guutidu oo ay shacbigayaguna nagu raacsan yihiin”.
Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle waxaana uu yidhi “cida madaxtinimada raagsanaysaa waxaan leeyahay dalka u lexejeclooda, waanu duminta ka daaya, waar hadalka dadka ka nixinaya ka daaya, waa lagu wiil waayaa, waa lagu walaal waayaa, waa lagu daaro waayaa, waataynu ka dhaqaaqnay Hargeysa, colaad dambe ka dhici mayso Somaliland, guurtidu waa dastuuri, qodobka ay wax ku kordhinayaa waa dastuuri, waxbadan may kordhin ayaan leeyahay, intaa ay kordhiyeen hala iimaansado, waananu ku taageersanahay beesha Sacad Muuse hadaanu nahay”. Waxaa isna microfoonka kadaba qaatay oo halkaasi ka hadlay Suldaan Xiis Barre,waxaanu yidhi “waxaanu baaq u dirayaan walaaltinimo iyo nabadgalyo leh labada xisbi ee Mucaaridka ah ee ragga Madaxtinimada dalka u loolamaya ah ee Bari haddii Illaahay yidhaa aanu dooranayno, oo waliba uu noo dheer yahay Raysul baarlamanku oo calankii iyo kitaabkiiba gacanta kuwada haya, waxaanu leenahay adeer waxba lama sheegin waxay taagan tahay nin khuukh la yidhi waxba kama didin, nin yidhina waxba ma odhan, ee wixiiba ayaamo ayay noqdeene samir, Faysalna waxaan leenahay abti anaga ayaa kuu nool oo kuu joogna ee samir ayaanu ku leenahay”.
Suldaan Axmed Cumar Madar oo ka mid ah salaadiinta sacad Muuse ee Taageertay go’aaanka Guurtida ayaa waxa uu yidhi “iskaga mid ayaynu nahay oo waynu taageersanahay go’aanka distooriga ah ee Guurtidu soo saartay, 2016-ka waxa la qabanayanaa doorashada Soomaaliya, intaasi oo maamul goboleed oo isku tagay ayaa doorasho loo qabanayaa, ninka inaga mid ah ee 2016 doorashadeena hala qabto lihi waa nin Xamar inagu daraya, inaynu ka horrayno ama ka dambaynu ayaynu xaq u leenahay laakiin isku mar ma ogolin”.
Sidoo kale waxa madashaasi ka hadlay oo taageero u muujiyay Go’aanka Golaha Guurtida Suldaan Maxamuud Saciid, Ugaas Cabdilaahi Cabdi Xasan “Xawaareeye”, Suldaan Jaamac Cusmaan Aadan, Oday Daair Ismaaciil Axmed, Oday Cumar Yuusuf Iyo Oday Xuseen Cismaan Cabdi waxaanay si siman ugu baaqeen in la ixtiraamo go’aanka Guurtidu ka soo saartay muddada doorashada Madaxtooyada iyo Golaha wakiiladu dalka ka qabsoomayso oo ay ku sheegeen maalmo kooban haddii uu mawdku inagu simo.

No comments:

Post a Comment