Somaliland, 12 May, 2015-(Himilo)- Muddaharaadyo, ayaa ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Berbera ee gobollada Togdheer iyo Saaxil, kuwaasoo ay dhigeen Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo ay hor-socdeen Guddoomiyeyaashooda heer-gobol iyo degmo, waxaanay Ciidammada Ammaanka oo ka hor-tegayey bannaan-baxyadaas ay la wareegeen Xarumaha WADDANI ee Hargeysa, Berbera, Burco, Ceerigaabo iyo Laascaanood.
Masuuliyiintan, ayaa Ciidammada Ammaanku shalay iyo habeen-hore ka kala xidheen meelo kala duwan,
[gallery ids="19241,19242"]
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Xubnahan laga xidhxidhay qaarkood Guryahooda oo ay Boolisku ugu tageen, halka kuwo kale laga xidh-xidhay Xarumaha Xisbiga ee Magaalooyinkaas, halka sidoo kalena qaarkood la xidhxidhay, iyagoo bannaan-bax nabad ah ku muujinaya dareenkooda ay ku diiddan yihiin muddo-kordhinta sannadka ka badan ee Guurtidu u samaysay Madaxtooyada iyo Wakiillada wakhtigoodu dhammaanayo 26-ka June 2015-ka, oo ay Guurtidu u riixday 28 April sannadka 2017-ka.
Muddaharaadka oo Guddoomiye Ku-xigeenka WADDANI Axmed Muumin Seed Axaddii ku dhawaaqay, isla markaana ku sheegay inay taageerayaasha WADDANI ku cabbiri doonaan diidmada ay ka qabaan go’aanka Guurtidu Isniintii shalay ku dhawaaqayey ee muddo-kordhinta sannadka ka badan, ayaa Wasiirka arrimaha gudaha oo ay ka dalbadeen sida sharcigu dhigayo ka diiday, isla markaana waxa uu sheegay inaanu oggolayn wax muddaharaad ah oo dalka ka dhaca sababo ammaan dartood, waxaanay bannaan-baxyadaasi ka baaqdeen magaalooyinka Hargeysa iyo kuwo kale qaarkood markii Ciidammada ammaanku ka hor-tageen, halka Magaalooyinka Burco iyo Berberana muddoharaaddo xooggan oo saacado socday ka dhaceen Isniintii shalay.
Tirada Masuuliyiinta iyo Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ee Xukuumadda Siilaanyo Ciidammada Ammaanka ku amartay inay qab-qabtaan ayaa ah 38 qof oo Masuuliyiin, Taageerayaal iyo Siyaasiyiin isugu jira. Halkan ka akhri Liiska masuulinta Xisbiga WADDANI ee Xukuumada Siilaanyo Xabsiga u taxaabtay:-
1. Cali Cilmi Geele ( Hogaanka Sare Xisbiga WADDANI)
2. Ifraax Cumar Xasan (Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee heer Qaran)
3. Xasan Xuseen Codyare (Xoghayaha ilaalinta Hantida qaranka ee Xisbiga WADDANI)
4. Jamaal Hure (Guddoomiyihii Hore Gobola Dadmadheedh
5. Deeq Xirsi Canbuur
6. C/raxmaan Maxamed Rooble (Cabdi six)
7. Xasan Axmed Muuse Goodaad ( Xoghayaha Xanaanada Xoolaha)
8. Aamina jirde (Guddoomiyaha Wacyigaliinta ee Gobalka Maroodi jeex)
9. Maryan Maxamuud Dirir (Xoghayaha Garabka Haaweenka ee Heer qaran)
10. Amaal Yuusuf Cabdi indha cad(Afhayeenka Garabka Haaweenka ee Heer qaran)
11. Mawliid Muuse (Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Maroodi Jeex)
12. Maxamed Foore(Gud degmada maxamuud haybe)
13. Maxamed Sidiiq Dhame ((Afhayeenka Garabka Dhalinyarada ee Xeer Qaran)
14. Axmed Jaamac ( Xogheyaha Wacyi Galiinta Dagmada Ahmed-Dhagaax)
15. Xasan Axmed Cabdillaahi Caateeye ( Xasan aar)
16. Mustafe Maxamuud Qodax ( Xoghayaha Arrimaha Gudaha)
17. Suleekha Xiis Cabdillaahi
18. Sahra Saalax Cawad
19. Maryan Cismaan Faarax
20. Saynab Cawad Diiriye
21. Fu’aad Mixile Boqore (Guddoomiyaha Xisbiga ee Waddani ee gobolka Buuhoodle
Gobolka Saaxil
Berbera.
1. Cali Axmed Kooshin (Guddoomiyaha Gobolka Saaxil iyo Xaaskiisa)
2. Faysal Cumar
3. Cawil Birdaasar
4. Cabdillahi Salaah (Wash Man)
5. (3) Dhalinyaro ah
6. (2) Dumar) ah.
Laascaanood: Xarunta gobolka Sool:
Guddoomiyaha gobolka Sool ee Xisbiga WADDANI Cabdi Yuusuf Ismaaciil (Cabdi Majabe)
Burco: Xarunta gobolka Togdheer.
1- Guuleed Jaamac Samatar oo ahaa Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee gobolka Togdheer oo wakhtigan ka tirsan Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.
Hase-yeeshee, inta badan Masuuliyiinta iyo Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI laga xidhay waa la siidaayey. Inkasta oo aanu jirin war rasmi ah oo lagu sheegay siideynta Xubnahan oo ka soo baxay Xukuumadda iyo Xisbiga WADDANI toona, haddana Idaacadda BBC-da oo ila-wareedyo ay labada dhinac ka heshay soo kala xiganaysay, ayaa Baahisay xalay in inta badan Xubnahaas la sii-daayey marka laga reebo dhawr Masuul oo habeen-hore laga xidhay Hargeysa.
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND
No comments:
Post a Comment