Waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Masuuliyiintan shalay Xafiiskiisa Madaxtooyada Muqdisho ee Villa Soomaaliya si gooni gooni ah ugu qaabbilay Safiirradaas, waxaanu ugu horreyn la kulmay Danjiraha Britain u qaabbilsan Soomaaliya Neil Wigan oo uu kala hadlay horumarka Siyaasadeed ee dhawaan lagu tallaabsaday, sida dhismaha Guddiyada Madaxa-bannaan ee doorashooyinka, Xuduudaha, Nidaamka Federaalka iyo Adeegga Garsoorka, kuwaasoo uu sheegay inay dardargelin doonaan Barnaamijyada Hiigsiga 2016-ka.Sidoo kale, Danjiraha Britain Mr. Wigan, ayaa Madaxweynaha soo gaadhsiiyay farriin uu uga siday Ra’iisul wasaare David Cameron oo ah in Boqortooyada UK ay weli ku taagan tahay Siyaasaddeeda ku waajahan Soomaaliya ee ku saleysan iskaashi, taageero iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.
Safiir Wigan, ayaa intaas ku daray in Xukuumadda Britain ay dhaqaale ku taageereyso dhismaha iyo dib-u-dhiska Ciidammada xooogga dalka Soomaaliya, isla markaana ay diyaar u tahay inay gacan taa la mid ah ka geysato dib-u-dhiska Booliiska Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Safiirka Sweden Soomaaliya u qaabbilsan, Mikael Lindvall, isagoo kala hadlay horumarka Siyaasadda Soomaaliya, hawlaha la xidhiidha dib-u-dhiska Ciidammada iyo taageerada Beesha Caalamku siineyso Soomaaliya.
Danjire Lindvall, ayaa soo dhaweeyay ansixintii Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee Guddiyada madaxa-bannaan ee doorashada, Adeegga Garsoorka iyo Xuduudaha, waxaanu sheegay in dawladdiisu ay taageerayso Guddiyadaas ay hawlahooda si hufan ugu fuliyaan.
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND
No comments:
Post a Comment