Hargeysa, 12 May, 2015-(Himilo)- Hoggaamiyeyaasha labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI, ayaa qaaddacay go’aan Golaha Guurtidu shalay shaaciyey inay muddo laba sano oo laba bilood ka dhiman yihiin ah ugu kordhiyeen wakhtiga xil-haynta Madaxweynaha, Ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada Somaliland, kaasoo ay ku tilmaameen mid aan dalka iyo dadka loogu danaynaynin ee cid gaar ah loogu danaynayo oo aanay aqbali doonin.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo Saxaafadda kula hadlay xarunta dhexe ee Xisbigaas ee magaalada Hargeysa markii Guurtidu go’aanka soo saareen ka dib, ayaa yidhi; “Horta, Somaliland waxay u tahay maanta Maalin madoow, Maalin Murugo leh weeye. Nimanka halkaas fadhiya ee Guurtidu maanta (shalay) Somaliland way dileen, iyagu waxay isleeyihiin idinkuna nasteexaysta, Wakiillada u nasteexeeya oo Xukuumadda u nasteexeeya. Laakiin, Qarankii way dileen. Waxa weeye Guurtidu markeeda horeba bilaa Sharci ayay ahayd, Wakiiladduna 5 sannadood ayay bilaa sharci ku fadhiyaan.”
“Labadaas Goleba waxay ku fadhiyaan Xaaraan waxay soo saaraanna maaha wax dhaqangeli kara oo sharci ah. Arrinta Guurtida ka soo baxday waxay inoo sheegaysaa inaan Odayaashaas iyo Carruurtaas Aabayaashood Kuraasta ka dhaxashay aanay dal iyo dad toona u danayn ee ay dantooda ka fikirayaan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
Waxaanu Guddoomiyaha UCID oo sii watay hadalkiisa intaas ku ladhay; “Guubaabadii iyo taladii aannu sheegnay haddii nalagu diiday annagu waxaannu ku soo noqonnay wakhtigii Komishanka ee ahaa 1-da June 2016-ka ee Saddexda Xisbina hore u oggolaadeen, arrintuna waxay maanta hor taallaa Madaxweynaha Somaliland oo illaa 26-ka June 2015-ka Sharci ku fadhiyaya.”
Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay tallaabada la qaadayo haddii Madaxweynuhu Baaqoodan aqbali waayo, waxaanu yidh; “Barri (maanta) ayay Imanayaan Wefti Beesha caalamka ka socda ee haddii Madaxweynuhu isla caawa (xalay) soo saari waayo Digreeto uu ku deedifaynayo go’aanka Guurtida bilaa sharciga ahi soo saartay oo uu ku oggolaanayo wakhtigii Komishanka, waxaa noo caddaanaysa inaan Xukumaddiina shaqaynayn, markaa kol haddii Xukuumaddii fulinta ahayd shaqayn wayday, Wakiilladii la soo doortay Sharci-darro yihiin, Guurtidii 23 sano fadhido waxaa dadka la gudboon wada-tashi Qaran si dawlad dadka badbaadisa oo shaqaysa loo dhiso.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inay Xisbi ahaan qaaddeceen go’aankaas, waxaanu yidhi; “Go’aankaasi waa mid aannu Xisbiga WADDANI aqbali karrin. Waxaannu qabnaa in lagu noqdo 1-da June 2016-ka si doorasho wakhtigaas loo qabto. Waxay ila tahay Xalka furan ee go’aanka Guurtidu waxa weeye in Madaxweynaha Somaliland ka shaqeeyo sidii loogu noqon lahaa go’aankii Komishanka ee ahaa 1-da June 2015-ka, Beesha caalamkuna ay gacan buuxda nagu siiso si go’aankaas loogu noqdo.”
“Go’aanka Guurtidu gaadhay waa go’aan heshiiskii iyo khilaaf la’aantii Somaliland ku beddelaya in khilaaf Siyaasadeed oo aan loo baahnayni Somaliland ka abuurmo. Waa go’aan Somaliland galin kara go’doon caalami ah, waxaad ka warqabtaan in Saaxiibbada daneeya hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland ee Caalamku innagu soo noqnoqonayeen oo maantadan ay imanayaan iyagoo Safiirka Midawga Yurub hoggaaminayo. Go’aankaasi wuxuu sabab u noqon karaa in Somaliland waydo Kalsoonida Beesha Caalamka.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cirro.
Waxaanu Cabdiraxmaan-Cirro intaas ku sii ladhay oo uu yidhi; “Go’aankaasi wuxuu macno-tirayaa hannaankii dimuqraadiyadda ee Somaliland ku soo dhaqmaysay. Go’aankaasi wuxuu ka soo horjeedaa rabitaanka Shacbiga Somaliland, sida Salaaddiintu muujisay ee shacbigu muujiyay ee Asxaabtu muujisay. Golaha Guurtida oo ku suntanaa la dagaallanka khilaafku, wuxuu go’aankaasi muujinayaa in markii u horraysay uu khilaaf abuurayo, abuurina doono.”
Xukuumadda wakhtigeedu dhammaanayo ee Cimri-dhererka Guurtidu u samaysay shalay iyo Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa iyagu soo dhaweeyey go’aankaas Guurtidu muddada ugu kordhisay, isla markaana ku tilmaamay go’aan taariikhi ah, waxay ku doodeen in uu yahay go’aan dalka iyo dadka lagu badbaadiyey oo lagu gaadhi karo doorashooyin fiican, waxaana sidaa ku dooday Xoghayaha guud ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo BBC-da la hadlay, Xildhibaanno iyo Xubno ka tirsan Golaha dhexe ee KULMIYE oo iyaguna Warbaahinta kula hadlay Hargeysa shalay.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa go’aankaasi markii uu Golaha Guurtidu soo saaray ka hadlay, waxaanu yidhi; “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guud ahaanba shacabka Somaliland, gaar ahaanna Golaha Guurtida ee Jamhuuriyadda Somaliland oo go’aan kama dambays ah ka gaadhay su’aashii taagnayd ee ka taagnayd doorashooyinka, waxa uu arrinkaasi ku dhammaaday guul, iyadoo la maray dariiqii sharciga ahaa, iyadoo wada-tashi iyo wadahadallo gogol-dhig ay u ahaayeen, iyadoo is-qancintu ay innoo ahayd dariiqa aynu marayno.”
“Marka ay arrini jirtana waa iska caadi bina-aadmiga in mid, laba, Koox iyo qaybi ay baydhi karto ama ay aragtidaa aragti ka duwan qabi karto. Laakiin, waxa muhiim ah uun in inta badani ay isku raacsan tahay dariiqa markaa uu Mushtamacu ku wada qancayo ee heshiiska uu ku yahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cukuse oo sheegay inay Xukuumad ahaan ku faraxsan yihiin wixii dhinacooda kaga aaddanaa doorashooyinka inay dhammaystireen sida uu hadalka u dhigay. Isagoo shacabkana ugu baaqay inay iska jiraan dhirbaaxooyin uu xusay in cadawga Somaliland maleegayaan oo ay rabaan inay kaga faa’iidaystaan Xuska 18-ka May.
Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda, waxa uu Baaq u jeediyey Beesha Caalamka iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha doorashooyinka taageera, waxaanu yidhi; “Beesha caalamka, Golayaasha Qaranka, Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Daneenayaasha ama dadka gacanta ka geysta doorashooyinka Somaliland dhammaantood waxaannu ku soo dhawaynaynaa inay dariiqan oo ah dariiqa ay dadkayaga, dalkayaga iyo dawladdayaduba ay dan moodday nagula shaqeeyaan oo sidaasi aynu ku gaadhno maalinta ay doorashooyinku turxaan la’aan ku qabsoomayaan.”
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND
No comments:
Post a Comment